Cabdi Iley oo hab siyaasadeysan u quusiyey ma qancayaashii W/Q Abduljabar Sh. Dahir

Filed under: Wararka |

Cabdi Iley oo hab siyaasadeysan u quusiyey ma qancayaashii
W/Q Abduljabar Sh. Dahir
ajd13@live.com
Abdi iley

Shacabka Dowlad Deegaanka Somaalida Itoobiya ee ku kala nool daafaha aduunka iyo gudaha Dalkuba waxey hambalyo, hambalyo, hambalyo leeyihiin dhammaan Dadweynaha iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
Waxay ugu hambalyeynayaan shirweynihii 8aad ee XDSHSI ee lagu qabtey Magaalada Fiiq oo Nabad iyo Guul ku soo gabagaboobey.

Shacabka Dowlad Deegaanka Somaalida Itoobiya waxey hiil iyo hooba la garab taaganyihiin Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, Xisbiga talada Deegaanka haya ee XDSHSI iyo guud ahaanba Xukuumadda Deegaanka.

Waxayna si buuxda raali uga yihiin oo ay Taageersanyihiin Go’aamada wax ku oolka ah ee lagu gaadhey shirweynaha 8aad ee XDSHSI iyo dhammaan wax qabadka iyo qorshayaasha Siyaasadeed ee uu Madaxweyne Cabdi Iley ku hogaaminayo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Never be afraid to stand with the minority when the minority is right, for the minority which is right will one day be the majority.

William Bryan
Oo macnaheedu yahay:

Dib ha uga laaban in aad is barbar taagto kuwa laga badanyahay, markey xaqqa ku taaganyihiin. Kuwaa maanta laga badanyahay ee xaqqa ku taagani, maalinbey noqon doonaan aqlabiyad.

Ta maanta deeganka ka dhacdey iyo go’aanka taariikhda galey ee lama illaawaanka ah ee uu qaatey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo quusiyey kuwii qanci waayey, taasey la baab tahay.

Madaxweyne Cabdi Iley wuxuu is barbartaagey gudigii fulinta intoodii laga tirada badnaa hase ahaatee iyagu Xaqqa ku taagnaa.

Waxaa taa daliil u ah oo iyaguna Xaqqa is barbar taagey Golihii Dhexe ee XDSHSI.

Maantana waxaynu aragnaa oynu markhaati ka nahay in kuwii Xaqqa ku taagnaa ee laga badnaa ay maanta iyagu aqlabiyad yihiin.

Waxaa la wada ogyahay taariikhda siyaasadeed ee kooxdan ku caasidey Madaxweyne CMC iyo halka uu mid walba ka soo qaadey si uu ugu barbaariyo, ugu tababaro ugu hogaamiyo uguna diyaariyo hanashada hogaanka sare ee uu Madaxweynuhu gaadhsiiyey Kooxdan ma qancayaasha ah.

Taa badalkeeda waxey kooxdani iyagoo Cadaaladda iyo Xaqqa baal maraya isu bahaysteen:
Iney abaalkii siyaasadeed ee Madaxweyne CMC ugu gudaan Bassaasid, ka war sheekood, dacaayado aan sal iyo raad toona laheyn iyo been abuur ay ka sameeyaan Madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo dowladii ay ka midka ahaayeen, taasoo aan meelna kaga jirin hab dhaqanka siyaasadda Dowladda Itoobiya iyo caalamka toona.

Garaadkooda siyaasadeed oon bisleyn owgii, waxey in badan isaga daba noq-noqdeen Caasimadda Dalka ee Adis-ababa iyagoo quudareynayey in, maadaama iyagu aaney lahayn ajande Siyaasadeed, dowladda dhexe ay soo fara galiso arimaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya gaarka u ah.

“Arrimaha gaarka ah ee Deegaan ama Dal leeyahay oo la faragaliyaa cawaaqib xumada ka dhalata ee laga dhaxlo, Shacabka Deegaanku wuu garanayaa. Waana sababta ugu weyn ee uu Madaxweyne Cabdi Iley ku kasbadey Quluubta iyo taageerada Shacabweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida”

Kooxdan isu baheysatey iney Cadaaladda iyo Xaqqa baal maraan si ay u wax yeeleeyaan Nabadgalyada, Horumarka, kala danbeynta iyo habsami u socodka Maamulka suuban ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Caqligooda yar iyo aragtidooda siyaasadeed oo aad u gaabani waxey aamin siisey riyo maalmeed ah:

In hadii ay been abuur iyo eedeymo aan jirin korka ka saaraan Madaxweyne CMC ay Dowladda dhexe iyaga gacan ku siin doonto iney la wareegaan Xilka Madaxweynanimo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Aqoon daradooda siyaasadeed waxay garanwaayeen inay iyagu ahaayeen madaxdii iyo kuwii ay ka soo fulayeen amarada iyo go’aamada xafiisyadii ugu muhiimsanaa ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Waxaa la xaqiijiyey in wax allaale iyo wixii ay ku beer laxowsanayeen Shacabka Deegaanka iyo madaxda Dowladda Dhexe iyo been abuurkii ay ku eedeynayeen Madaxweyne CMC uu iyaga dib ugu soo wada noqdey.
Waana halka wax yeelada siyaasadeed ee ugu weyni ay ka soo gaadhey.

Caqli yaridoodu waxay sababtay iney lafahooda waaliduul siyaasadeed oo Naftiihurenimo ah aseyna dareensaneyn ku qaadaan taasoo dhaxalsiisey iney kaga baxaan saaxadda siyaasadda Deegaanka Soomaalida Itoobiya gabi ahaanba.

Madaxda Dowladda Dhexe:

Iyagoo la socdey halka uu Madaxweyne CMC mid waloo ka mid ah kooxdan ku caasidey ka soo qaatey (oo ay ku jiraan kuwo herey Dowladda Dhexe u soo eridey, oo Adis-ababa looga soo musaafuriyey, Xil gudasho la’aan iyo aqoondarro owgeed)

Iyagoo la socdey inuu qaarkood Madaxweyne ku xigeeno aaney u qalmin ka dhigey.

Iyagoo la socdey inuu qaarkood Xafiisyo muhiim ah Wasiiro uga dhigey.

Iyagoo la socdey inuu qaarkood Madaxweyne ku xigeenimo iyo Wasiirnimo isugu darey.

Iyagoo la socdey inuu qaarkood waxyaabo kale oo dadka isusoo dhoweeya ugu darey.

Iyagoo la socdey in kooxdan Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu waxaasoo dhan isugu darey ay ku qanci waayeen.

Iyagoo la socdey in laab la kacooda siyaasadeed iyo gadoodkoodu ku saleysan yahay Calooshooda la ciyaar iyo Darajo la kici kariwaa (xilalka iyo darajadu ka bad-bateen.)

Iyagoo la socdey in kuligood hadii la isu wada geeyo aaney buuxin Karin kaalinta Hogaamiyenimeed ee uu baneeyo Madaxweyne Cabdi Iley, ayey waxay go’aan ku gaadheen in taageero buuxda la siiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Nin kaliya haduu Caqli badan, Geesinimo, adkeysi, iyo ku dhac leeyahey, isagaa Aqlabiyad ah.
Thomas Jefferson

Xisbiga talada Dalaka haya ee EPRDF waxey hiil iyo hooba la garab taaganyihiin Xisbiga ay bahwadaagta yihiin ee XDSHSI ee Soomaalida Itoobiya.

Waxaa kale oo ay si buuxda u taageersanyihiin oo ay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Dowlada uu hogaaminayo ee ka arimisa Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay wax qabadkooda Shacabka Deegaaku aad ugu qanacsanyihiin.

“ Intey Qayilayeen Madaxweyne Cabdi Iley Na wuu Qiyaasayey”

Madaxweyne Cabdi Iley waxaa laga hayaa:

Hadii aan haysto mudo lixdan daqiiqo ah (60 minuts) in aan ku xalliyo Dhibaato ama aan xal ugu raadiyo Mushkilad markaa taagan:

55 Daqiiqadood waxaan ka fikiraa dhibaatada lafteeda iyo waxa sababey iyo heerka ay mareyso. 5 ta Daqiiqadood ee soo hadheyna waxaan ka fikiraa Xal u helidda. Sidaasaanan ku helaa dhib kasta markaan fahmo xalkiisa.

Haboonaan laheydaa Kooxdan ma Qancayaasha ahi iyagoo qaata talooyinkii ay siiyeen Cabdi Jibriil iyo Axmed Sheekh.

Macnaheedu ma aha iney Caqli ku dhaamaan ee waxey khibrad u leeyihiin jabka ka soo gaadhey Laab la kaca, Calool la ciyaarista, Darajo la kicikariwaaga iyo riyo maalmeedka ay Kooxdani maanta ku jireen ee ah: <4>Cid kalaa soo fara galin oo Madaxweyne idinka dhigi.

In badan bey Kooxdan iyo Shabakadooda degaanka.com ay Been aan sal iyo raad toona lahayn ay shacabka Deegaanka ku afuufayeen, anaguna aanu marwalba laheyn:
War Jiraaba Cakaaruu Iman.

Shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya maanta wey arkaan warka Cakaara Yimid ee quusiyey ma qancayaashii, soona afjarey beentii iyo dacaayadii shabakadooda.
Shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxey in badan ku celceliyeen oy Kooxdan Madaxweynahooda (Aabahood) ku caasidey ee beenta iyo dacaayadaha miciinka bidey ku lahaayeen:

War hadeydaan talo keeneyn.
Ama aydaan naga tageynin.
Dalxiis camal isaga war-wareegeysaan.

Ma tiirkii magaaladaad tihiin.
Maxaa nakiin hor dhigey.
Maad dhinac uun noo dhaaftaan.

Mudane, Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Go’aanka geesinimada leh ee Caqliga iyo Garashada ku saleysan een ku bogaadinayaa ee ku dayoshada mudan waxa weeye sida siyaasadeysan ee uu u quusiyey kuwii Balaayadu Balagta u lushey ee ku qanci waayey Darajo iyo Xil wixii uu isugu darey.

Wabillaahi Towfiiq
Abduljabar Sh. Dahir
ajd13@live.com