Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) Madaxwaynaha DDSI oo warar kala duwan sheegayaan in uu jiro khilaaf ba’an oo ka jira sii haynta xilka Madaxwaynaha

Filed under: Wararka |

Waayadan danbe ayaa waxaa dagaal ba’an ku qaaday Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Qolooyin ka masayray Horumarka laga sameeyay DDSI, iyo Kooxo kale oo iyagu cuqdad Beesha Daarood qaba oo u arkay in ay haboontahay in kobaca dhaqaalaha Deegaanada Beesha daarood la curyaamiyo.

Waxaana warar hoose oo Puntlandobserver ay heshay ay sheegayaan in xitaa Raysalwasaaraha Ethiopia laga waydiiyay su’aalo in uu baryahaan u kuurgaladii badnayd ka daayay siyaasadda Soomaalida.

Si kastaba ha ahaato waxaa aad looga baqayaa in haddii xukunka laga qaado Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Ilay oo intii yarayd ee uu xukunka hayay isbaddal aad u baaxad wayn laga dareemay DDSI, in ay taasi keeni karto Qulqulado siyaasadeed iyo ammaan xumo ka soo cusbaanaata DDSI.

Dib baan idinkala socodsiin doonnaa wararka asalkaa ee ku saabsan Xilka Madaxwayne Ilay.