Cabdi Qaadir Shire Faarax Ereg Gudoomiha Gobalka Mudug: Xasan Sheikh iyo Kooxdiisa muqaawimadii dalka laga xoreeyay bay ahaayeen hadana iyagaa ka shaqeeyay in Soomaaliay la burburiyo

Filed under: Important News,Wararka |

Cabbdi Qaadir Shire Faarax Ereg Gudoomiha Gobalka Mudug: Xasan Sheikh iyo Kooxdiisa muqaawimadii dalka laga xoreeyay bay ahaayeen hadana iyagaa ka shaqeeyay in Soomaaliay la burbursho.

Gudoomiyaha oo ka Qayb galay kana hadlay banaanbax ka dhacay Gaalkacyo oo lagu diidanaa sida ay Madaxda DFS u maamulayaan geedi socodka nabadda Soomaaliya ayaa aad khubad u xasaasiya ugu dheeraaday.
cabdulqaadir shire
Hadalada ugu culus waxaa ka mid ahaa. Markii Filla Soomaaliya laga xoraynayay kooxihii Muqaawimada Madaxda ugu saraysa Muqaawimada waxaa kujiray Xasan Sheikh waxaana Madax u ahaa Sheikh Shariif waakaa sawirka Xasan oo garab taagan Shariif.

Marka Kooxdaan markii Meeshii laga xoreeyay loo dhiibay, Halkoodii bay ka billaabeen Howshoodii sidii Soomaaliya loo burburinlahaa, maalinba Meelbuu isku qaadaa, Mar Jubbaland, Mar bay iyo Bakool, hadda dhanka Gobalada dhexe sidii nabadda kajirta loo carqaladaynlahaa weeye Mshruuca Villa Soomaaliya ka socda.

Dadka Gobaladaan degan waa in ay illaashadaan Nabadooda-

Hoos ka dhegeyso