Cabdifataax Jannagale oo loo Magacaabay Wakiilka Dowlada Puntland ee Finland

Filed under: Important News,Wararka |

Janagale

MAGACAABIDA WAKIILKA DOWLADA PUNTLAND U FADHIYA DALKA FINLAND.

Xeer madaxweyne Lr 88 july 27.2017 kuna saabsan magacaabid wakiilka dowlada Puntland ee Finland.

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Puntland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha iyo Waxqabadka

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Puntland u fadhiya Dalka Finland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas In Mudane, Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac (Jannagale), laga bilaabo taariikhda warqada ku qoran uu ahaado Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland

4 Responses to Cabdifataax Jannagale oo loo Magacaabay Wakiilka Dowlada Puntland ee Finland