CabdiQaybdiid oo waraysi uu VOA siiyay ku qirtay in ay isaga iyo Xasan Shiikh ka danbeeyeen in Gobalka Mudug Puntland laga gooyo oo Galguduud la raaciyo (Dhegeyaso)

Filed under: Wararka |

Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa ” WAR DHAAXAABA CAKAARUU IMAN “.

Arrinkii muranka iyo Khilaafka dhaliyay ee isku dhicii Puntland iyo Galmudug ee waxyar un ku sigtay in uu dhaliyo dagaal ay dad badan oo Soomaaliyeedna ku barakacaan, qaarbadan ku le’daan, Qaarbadan ku cayroobaan, Khilaafkaas oo salka ku hayay Waqooyiga Gobalka Mudug (Jariiban Galdogoba, Tawfiiq, Xarfo, Gaalkacyo) halka ay ka tirsanaan doonto mustaqbalka haddii Dawlado Federaal ah Soomaaliya loo sameeyo Mustaqbalka.

Xasan Shiikh iyo Cabdiqaybdiid ayaa Goobjoog ka ahaa meeshii uu ka dhacayay Saxiixa in Gobalada Mudug iyo Galguduud maamul loo samaynayo balsa aan la qeexin waxa mudug loola jeedo.

Xasan Shiikh (Xasan Qoslaaye) oo Jecel in uu marwalba Qosol Been Beena iyo hadal wanaagsan oo aan waxba ka jirin Bulshada ku qanciyo ayaa markii la waydiiyay maamulka Gobalada dhexe kusoo koobay

puntland cidna wax ma u dhimee, sideedii uu ahaa haa maamulka puntland.

Hadalkaas waa hadal aan la fahmi karin oo qofka arragtida gaaban aanu fahmi karin, waxaana xasan culusow lasoo marsiinwaayay in uu carabka un halmar ku dhifto ama qeexo Gobalka Mudug Koonfurtiisa iyo Waqooyigiisa halka ay kala raacayaan ama wada raacayaan, balse wuxuu marwalba kusoo koobayay hadal qaa-imeedkiisa qarsoon
PUNTLAND SIDEEDAY SII AHAAHEE CID WAX U DHIMAA MA JIRAYSO, CID WAXYEELEY HAYSA MAJIRAYSO.

Dhanka kale Cabdi Qaybdiid isagu xoogaa si dadban buu u cadaysan jiray in uu aaminsanyahay in Gobalka Mudug dhamaantiis uu soo raaco galgaduud.

Waxaase dad badan fajiciso ku noqotay CABDI QAYBDIID OO WAXWALBA OG, XAALADA ASALKAA EE GOBALKA MUDUG TAAL OG, IN UU CAAWA VOA SOO HORFARIISTO OO UU KU DOODO IN uu AAD UGA XUMAADAY HESHIISKII PUNTLAND IYO DFS OO LAGU CADEEYAY IN WAQOOYIGHA MUDUG UU RAACAYO PUNTLAND
Qaybdiid iyo Xasan Xoolo
CABDI QAYBDIID AYAA SII RAACSHAY IN AY DIIDEEN HESHIISKAAS

[audio:http://av.voanews.com/clips/VSO/2014/10/15/cb2ce814-bc80-46f5-8341-8d54242f4e63.mp3]

HALKAAN KA DHEGEYSO OO KILIG SII

Hadaba waxaa is waydiin mudan inn CabdiQaybdiid oo xog ogaal u ah xaaladda Gaalkacyo in uu hadalkaas isaga hadaaqo, waayo Beesha CabdiQaybdiid iyo Beesha Waqooyiga Mudug ee Puntland inta badan waxaaba ka dhaxayso il iyo arragti oo waxaaba laga yaabaa in aynan xitaa isbixin.

Arrinkaas isaga ah waxay ahayd in bulshada wacyigallin iyo in bulshada sidii kalsoonideedii la isugu soo celin lahaa marka hore laga wada shaqeeyo, marka bulshada la is dhex galiyo oo kalsoonidii soo laabato, markaas kadib dib u heshiisiin lagu xijiyo, markaa kadibna wixii maamula sidii la isku raacilahaa looga niqaasho, haday Galmudug Puntland raacilahayd, ama haddii Gobalka Mudug markaas la is raacin lahaa, waa arrin u baahan in laga wada niqaasho.

laakiin oday Cabdi Qaybdiid isagaa maanta cidda uu yahay iyo arragtidiisu inta ay le’egtahay afkiisa ku cadeeyay.

One Response to CabdiQaybdiid oo waraysi uu VOA siiyay ku qirtay in ay isaga iyo Xasan Shiikh ka danbeeyeen in Gobalka Mudug Puntland laga gooyo oo Galguduud la raaciyo (Dhegeyaso)