Cabdiraxmaan Gentelman Oo Warbixin Ka Diyaariyay Sirdoonka Ethiopia Sida Ay Siyaasadda Soomaaliya Gacmaha ula Galleen iyo In Ay ka Danbeeyaan Gooni Isutaagga Somaliland

Filed under: Important News,Wararka |

Iyadoo cidwalba oo indheergarada ay ka warhayso in ay Ethiopia juhdiga ugu wayn gallisay kala qaybinta Soomaaliya isla markaana ay illaaliyaan oo taakuleeyaan siyaasiyiinta aaminsan fikirka Gooni isutaagga Somaliland.
Hadana eedda koobbaad waxaa leh shacabka Soomaalida, waayo dalwalba dunidaan danihiisa ayuu illaashaa, hadaad danahaaga illaashan waydid waa lagaa shaqaysanayaa.
Sida ugu wanaagsan ee aad danahaaga ku illaashankarto waxaa ugu miisaan wayn in aad diiddo wixii dulmi iyo cadaalad darro wada, waa markaas marka ay dadku danaha guud wada illaashan karaan, balse haddii aad dulmigiga marka la samaynayo balse aan adiga qaraabadaada iyo saaxiibadaa lagu samaynayn aad ka aamusto, ama taageerto midka dulmiga samaynaya, waa markaas marka aad qayb ka noqotay burburka Soomaalida, waayo waxaa meesha ka baxaysa in dantii guud la wada illaashado.

Coldoon waa wiil dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah wuxuuna runtii si geesinimo ah Somaliland dhexdeeda uga dhawaaqay midnimada Soomaalida, waliba isagoo dhexjooga Laascaanood oo wuxuu diyaar u noqday in uu riski kasta u qaato arrinkaas halkaan ka eeg

Hadaba halkaan ka daawo Cabdiraxmaan Gentelmaan oo isna kasoo jeeda Burco balse Soomaaliwayn ka doorbiday waxwalba oo qudhiisu riski wayn qaatay.

Isku soo duub eeda waxaa iska leh Soomaalida yaan cidkale lagu eedayn waayo hadaan dad fiican nahay maxaan xildhibaanada laaluush uga dhignaa, maxay madaxda ay Soomaalidu doortaan ula xisaabtamiwaayaan oo laaluushka u qaataan.
Ethiopia danaheeday raacanaysaa wixii dagan waa ka shaqaysanaysaa.

Halkaan ka eeg qoraal aan P/O hadda ka hor ku daabacnay sida uunan fikirka gooni-isutaaggu oo ahaa mid qaldan oo aan laga baaraan degin.

 

Cadayn In Uunan Suurtagalayn Gooni Isu-taagga Somaliland Iyo Kala duwanaashaha Jabuuti iyo Somaliland(Qormo-gaaba)

 

Afeef.
Haddii ay deeganada Soomaaliland degi lahaayeen kaliya beesha reer Sh ISxaaq, isla markaana ay oran lahaayeen waa ka go’aynaa Somalia inteeda kale, markaas waa daw waana fikir calaa aqali macquula?.
haddii ay beelaha wada dega deegaanada Somaliland si daacada ugu midaysanyihiin gooni isutaagga Somaliland cidna ma diidi karto,oo markaas caqabadda ka hor imanaysa waa mida beesha caalamka oo aan ogalayn in hal qowmiyad dhawr dal laga dhigo.

Waxaase qalada marka aynan beelaha deegaankaas wada dega u dhammayn fikirka, waana arrin ku dhamaanaysa waxa la yiraahdo ijiid aan ku jiido waa gacmo daallis oo dhiigga Soomaaliga marna iskuma raacayo inyar oo dulmiya.
waxaa iyana qalada cidkasta oo dal kala goynaya, tusaale haddii qowmiyad kamida qowmiyadaha Kenya ay ku dhawaaqaan in ay Kenya ka go’ayaan sow qalad ma ahan, tusaale qowmiyadda kuukaayada hadday ku dhawaaqaan in ay Kenya inteeda kale ka go’ayaan.

2 Responses to Cabdiraxmaan Gentelman Oo Warbixin Ka Diyaariyay Sirdoonka Ethiopia Sida Ay Siyaasadda Soomaaliya Gacmaha ula Galleen iyo In Ay ka Danbeeyaan Gooni Isutaagga Somaliland