Cabdisamad Gallan Gudoomiyihii hore Gobalka Bari oo arrimo badan oo xasaasiya ka hadlay iyo xiriirka ka dhexeeya damjadiid iyo cabashooyinka reer Bari (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Cabdisamad Gallan oo waraysi siiyay Madasha 60 ayaa ka hadlay arrimo farabadan.
Cabdisamad Gallan ayaa ku eedeeyay Madaxwaynaha Puntland in uu jagooyinkii Gobalka bari oo dhan uu jagooyinkii u dhiibay Beesha Madaxwaynaha.

Wixii Gobalkaan oo dhan uu mansab lahaa Gaas wuxuu gacanta u galiyay beesha uu kasoo jeedo, waxaana ugu dambeeyay mashaariicdii Ayraboorka oo uu Gaas gacanta u galiyay beesha uu kasoo jeedo madaxwaynuhu.

Jagadayda waxaan ku waayay oo xilka Gudoomiha Gobalka bari la iiga qaaday waa qadiyadaan waayo ninka hadda ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Bari Cabdixakiin Sayidka waa nin akhlaaq xun oo ay Ilma adeer laxmiya yihiin Madaxwaynaha, marka waxaan ka qoray Report dacwo ah oo aan Madaxwaynaha Garoowe ugu geeyay si jagadaas looga qaado oo lowgu badalo nin wanaagsan oo kasoo jeeda Gobalka Bari, laakiin waxyar kadib anigaa xilkii la iga qaaday.

Dhanka kalena mar la waydiiyay Gallan in uu xamar waxyar kahor un uu kasoo noqday kadiban uu kacdoonkaan billaabay oo uu xiriir la leeyahay.

Gallan ayaa difaacay sababta uu muqdisho u tagay laakiin hadalkiisa gundhigiisa waxaa laga dareemayaa in uu xiriir qoto dheer la leeyahay kooxaha Damul Jadiid.

Warkaas oo dhamaystiran halkaan ka dhegayso.