Cabdixakiin Shirwanaaje (Gabaygii:Birmad oo kusocda xaaladda Puntland) Bulsho waxay ku naaxdaa shaqo ay, badanka aaddaaye

Filed under: Wararka |

Birmad

Akhri gabygii hore ee Cabdixakiin Shirwanaaje
Ceelka-geeye waa “Gabay kusocda isbadalkii Puntland ka dhacay” (Shirwanaaje 10.01.2014)

Nimanyahow Ba’dii gabay abwaan, buuxa maan noqone
Billow iyo waxay iga tahay, arrinta baar-baare
Baaq baan sidaa iiga yimid, reer Puntlaandiguye
Bandar baan ka sheegiyo fagaare, laysu soo baxaye.

Boqol geel ah ruuxii yaqaan, ama bidhaantiisa
Gu’ ballaaran baarqabkoo ka maqan, kibir banaankiiye
Baacsiga haluhu waa intaanu, booca soo ridine
Kol hadday bidhaantii arkaan, looba kala bayrye.

Murtiduna bah bay leedihiyo, billad qaar xirane Anna bahalka Kediyaan baqaa, markuu billaabaaye
Mar hadduuna booskaba fadhiyin, way bannaanyahaye.

Barbaaryahay Puntlaand iyo xukumi, Bariga Soomaali
Nin Billaahi maray oo Kitaab, buuxa lagu dhaarshay Bilo iyo ogow waa ayaan, boos intuu yahaye
Inuu barako qabo iyo taariikh, banjar ah kuu reebo
Kolley buug qoraayaa jiriyo, been-ma-sheege ahe.

Boosaaso Badweynta Hindiya, Bargal iyo Xaafuun
Badda Cas iyo Barga Sanaag, Bandar Nugaaleedka
Banka Sool bannaannada dhexiyo, guriga Buuhoodle
Burtinle Bur-ciideed Galdogob, Mudug ballaarkiisa,
Bulshadaa intaas taal Hartiga, ama bar Daaroodka
Bah intaynnu wadaagniyo martida. meel waliba buuxda
Bidhaantiinna bay eegayaan, binii’aadmiguye
Boqorka baa dhammaystiri kara, baahiyaha guude
Wax uun haddaad billowdaanba waa, loo baxsanayaaye.

Birmad iyo dadaal bay rabaan, reer Punlaandiguye
Barashiyo tacliin bay rabaan, reer Punlaandiguye
Baro caafimaad bay rabaan, reer Punlaandiguye
Bidhaan dawladeed bay rabaan, reer Punlaandiguye
Beelahoo midoobay rabaan, reer Punlaandiguye
Sharci lagu baraaray rabaan, reer Puntlaandiguye
Hoggaan baarriyay doonayaan, reer Puntlaandiguye.

Baratanka idinkaa ka heley, baarqabkii hora’e
Bilaash kumaydan qaadin wax baad, berigi sheegteene
Ballanqaadkii bay doonayaan, reer Puntlaandiguye.

Bulsho waxay ku naaxdaa shaqo ay, badanka aaddaaye
Baagamuundadoo laga baxaa, yay ku baraadhaaye
Sicirbararka oo baabba’aa, way u bogayaane
Koboc baayacmushtari bay rabaan, reer Punlaandiguye
Burcaddoo la saaray rabaan, reer Punlaandiguye.

Bila Xoogga iyo ciidammada, beesadana siiya!
Buuraha kuwa inoo fadhiya, buubiyoo yaacsha!
Amni baahsan bay doonayaan, reer Punlaandiguye
Barkintooda duul aan intaas, boorka ka afuufno
Iyaguna bud weyn qodahayiyo, beddela xaalkiiyo
Baadiddoonka Soomaali-weyn, beryo ha loo kaadsho
Baahi gaar ah inaan u qabnay, badane moodaane
Bugcaddeenna baa nagu filane, inoo barakeeya
Oo bahallada ka jira reer Puntlaand, oo isugu baaqa.

Nin billaabay baab maanso oo, bi’iyey waa ceebe
Runtoo loo bareeraana waa, ina bilaysaaye
Ballanteennu waa saas haddaynnu, reer Puntlaand nahaye.

Cabdixakiin Shirwanaaje
02.04.2014