Cabdullaahi-Hanad

Filed under: Dawlad-Wanaagga,MAANSOOYINKA,Wararka |

CBDLLHI YSF AXMD

 

Cabdullaahi-Hanad

 

Cabdullaahi-Hanad buu ahaa, sida hubaashaaye
Dadka nin u horseeduu ahaa, dib-u-heshiisiine
Habsaan nimaan jeclayn buu ahaa, horumar mooyaane.

 

Hoggaanshe an halligin buu ahaa, horinti raacdaaye
Halgamaa han loo wuxuu ahaa, heeggan waligiise
Halyeey buu ahaa halis ahoon, hororku loogayne.

 

Had iyo goor nin Soomaali hal ah, hibato laabtiisu
Oo aan halmaamine midnimo, u hanqaltaagaaya
Oo aan hanjabin buu ahaa, waad hagranaysaane.

 

Hiil iyo nin hoo luu ahaa, hallalash waa liide
Hal-door himilo leh buu ahaa, haybad loo sare’e
Hurdo nimaan ladayn buu ahaa, hawl karoo wacane.

 

Hindisihii Puntland maalintii, loo hilhilanaayay
Hantideenna maantaan habsami, horay u dhiibaynay
Ninkii hagayay weeyaan raggii, hawlkarka ahaaye.

 

Soomaali hadaf guud markii, lagu heshiin waayay
Heer gobol in loo kala hoydaa, waa hab nololeede
Federaal ninkii hiigsadoo, hubiyey weeyaane.

 

Haadnimiyo hantuu dhacay nimaan, lagu habaaraynnin
Hoosna aan u dhuganayn haddii, haro dhan loo keeno
Oon cidi ku helin buu ahaa, laguna hiifeeyne.

 

Haykal iyo hannaan dowladnimo, hibo nin loo siiyey
Oon loo hullaabayninoo, helaya hawraarta
Oo looga haray buu ahaa, hadal dhammaantiise.

 

Hayeeshee halkii loo socdiyo, hoos ayuu ragaye
Haawiyiyo Ilaahow hageen, holocii naareede
Ilaahow Jannada hoy ka sii, waad u helaysaaye.

 

Haweenkii hufnaa iyo hablihii, diintu hadal haysay
Ee Jannada haraacinahayaan, kala hinnaasaynnin
Ilaahow adaa heli karee, hadiyad loo siiyo.

A  A  M  M  I  I  N

 

Curiye: Cabdullaahi Cabbaas Yuusuf Yey (Abwaan Madani)

 

Waxaan gabaygan u hibeeyey Halyey Marxuum Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed

 

2 Responses to Cabdullaahi-Hanad

  1. Pingback: Cabdullaahi-Hanad - Daily Somalia Report