Cabdullaahi Yusuf Itoobiya Iyo Mingiste Waxaan Isku Daggaalnay Dhulka Soomaaliya Hal-taako Laga Jarimaayo Xitaa Haddii Oogadayda oo Dahaba la Isiiyo, Waana Sababta la Igu Xiray markaan Sidaas Ku Dhiiraday

Filed under: Important News,Wararka |

Cabdullaahi Yusuf illaahay ha u naxariisto, wuxuu waraysigaan ku sheegay in markii uu ahaa gudoomiyaha Jamhadda SSDF, ay Mingiste ku heshiiyeen in uu kala shaqeeyo sidii Siyaad Barre xukunka looga tuurilahaa.

Laakiin Itoobiya waxaa u qarsoonnaa in qawmiyaddan Soomaalidaa ee halka qowmiyadda ah ee dariska la ah lakala qaybsho Akhri qoraalka qaybi oo xukun

Cabdullaahi Yusuf wuxuu mardanbe ka warhellau qorshihii qarsoonnaa ee itoobiya, oo wuxuu ogaaday in Siilaanyo iyo Mingiste ku heshiiyeen in Mingiste Siilaanyo kala shaqeeyo sidii xuduuddii Ingiriiska ee British Somaliland dib xoriyadeedii ugu soo celinlahaa xiligaas waa 1981, 37 ka hor, waana maalinta la billaabay sidii looga shaqayn nlahaa in qaranimada Soomaaliya god lowgu ridi lahaa.

Cabdullaahi Yusuf ayaa Mingiste waydiiyay in waraysi uu siiyay saxaafadda Mingiste oo uu ku sheegay in Goldogob iyo Ballanbale oo Jamhadda SSDF oo Itoobiya taageero ka heshay ay qabsatay laga taaggay calankii Itoobiya oo markaas Mingiste Siyaad Barre kula gorgortamayo aqoonsiga Somaliland iyo wax noocaasa.

Markaas ayuu Cabdullaahi Yusuf oo markaas ku sugan Addis ababa u sheegay madaxdii SSDF in ay idaacadda tagaan oo sheegaan in Goldigob iyo Ballanbale uu yahay dhul soomaaliyeed Soomaaliyana aan lakala goyn karrin.

Waxaana uu Cabdullaahi Yusuf sheegay in la waayay nin geesiya oo eraygaas ku dhiirada, markaas ayuu sheegay in uu Cabdullaahi Yusuf idaacadda tagay oo uu isagu afkiisa kaga hadlay oo sheegay in aan taako Soomaali leedahay la taaban karrin.
Markaas ayaa Mingiste yiri xira kan, Siyaad Barraaba dhaamee.
Waxaana xiritaankii maalintaas la i xiray la isoo daayay buu yiri 1990 markii Mingiste xukunka laga tuuray oo Jamhaddii tigreega ayaa wixii xabsi dad ku xirnaa fasaxday.

Wuxuuna waraysigaan hoose bixiyay markii uu isku sharaxayay madaxwaynaha Soomaaliya sida ay qadiyadda Soomaaliya ula wayntahay.

Dhammaan madaxdii hore ee Soomaalida marna ma iibsan jirrin qadiyadda Soomaalida laakiin xukunka waa isku qaban jirreen.

Waraysiyadii Genaeraal galaal halkaan ka eeg