Cadaalad Daradii Kenya Oo Sababtay Madaxwayne RAILA ODINGA In Uu Iskii Isku Magacaabo (Qoraal Kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

halkaan ka eeg boqolaal qoraal oo cadaaladda ka hadlaya oo aan P/O ku daabacnay

P/O baan waxaan ku daabacnay boqolaal qoraal oo aan kaga hadlayno cawaaqib xumada cadaalad darada, waxaan kaloo baryahaan daabacaynay qoraal kooban oo ku saabsan dalalka horumaray oo dalalka soo koroya dad kooban si dadban xukunka ugu dhiibta oo Kenya waxaa xukunka marwalba isku badalayay wixii xornimada ka danbeeyay labada qabiil ee Kikuyu iyo Kalenjin, oo haddii mid Madaxwayne noqdo midka kale noqonayay Madaxwayne ku xigeen, halkaan ka akhri Dooda Faysal Cali Waraabe ee Ah Daarood Halaga Dhigo Sida Oramada Itoobiya(Qoraal kooban)

Hadaba cadaaladdu waa waxa umad mideeya, musuqmaasuq yar oo aad ku daydid masiirka umadda waxaa yeellan karaa cawaaqib xumo xal loo waayo oo aan xalkeeda la hellin boqol sano.

Waxaan aad uga xumahay waxaad arkaysaa nin Madaxwayne Soomaaliya ka noqday oo wixii umaddu isku darsatay kula cararaya caruurtiisa reerkiisa seediyaashiis, waa ceeb iyo wax laga xishoodo, wuxuuna hallis gallinayaa isku kalsoonaanta umad dhan qarankeed, oo shacabkii waxaa ku dhacaysa niyad jab.

Cadaalad darada Kenya waa sababta keentay in waxaas oo dada ay usoo baxaan ninka waalan RAILA ODINGA, oo umaddu markay cadaalad daro dareento midka ugu hadalka dheer bay raacayaan oo hadaladiisa run moodayaan.

Kaasina dalka un buu ka burburinayaa, oo caqligiisu waa caadifad iyo wax iska dhiciya.