Cadayn In Xalka Qowmiyadda Soomaalida Yahay Dawlad Gobaleedyo Hoostaga Dawladda Federaalka Soomaaliya

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Marka hore qofkasta oo Soomaaliya waa in uu har iyo habbeen ugu xamdiyo illaahay nimcada uu sida goonidaa ugu manastay qowmiyadda Soomaalida, nimcadaas oo aan lasiin qowmiyadaha kale ee dunida illaahay nagu wada abuuray, halkaan ka akhri qoraal arrinkaas ka hadlaya.

Marka xiga maadaama illaahay dadka Soomaalida dhul qaniya iyo dad isku luuqad iyo midaba ku manaystay, waxa ay hadda Soomaali usii kala go go’do waa iimaan li iyo caqli xumo, mana muuqaato wax kafaalo qaadaya haddii tusaale ay hadda Puntland qabyaalad awgeed Soomaali uga go’do in ay Puntland sii jirayso, waayo Puntland qudheedaa qabiilo ka kooban, oo hadana markii la isku cidleeyo waxna la isugu daro isa sii qoonsanaysa, xalna ma ahan, Somaliland waa sidaa iyo kaba sii daran oo Somaliland waxayba qori caaradiis ku haysataa deegaano ay dadka ku nool ogalayn fikirkaas gooni isutaagga.
Halkaan ka eeg qoraalo aan ku cadaynay in ay adagtahay in uu hirgalo fikirka gooni isutaagga.

Xalka.
Xalka ugu wanaagsan waa nidaamka dawlad gobaleedyo ku midooba dawladda federaalka isla markaasna markaan si fiican looga illaasho wax walba oo xaqdarro iyo xukun maroorsi keeni kara.
Waxaa la samayn karaa illaa 8 dawlad Gobaleed.
Waxaa meerto laga dhigi karaa Madaxwaynaha iyadoo hanaanka Madaxwaynaha lagu salaynayo 4.5 20-ka sano ee soo socda, laakiin Raysalwasaaraha lagu soo dooranayo hanaanka asxaabta badan, shaqooyinkana loo kala qaybinayo oo madaxwaynaha lasiinayo awoodda 15%, halka raysalwaaraha la siinayo 86%.
-Caasimad cusub oo casriya.

Taas ayaa kun jeer ka wanaagsan qabyaalad, fikir gacmo shisheeye Soomaali ku kala qaybinayaan iyo in qabiil kastaa gacmo shisheeye hoos tago si uu qabiilka kale uga adkaado, oo qowmiyadda Soomaalida dagaal iyo fawdo lowgu hayo si ay isaga illaabaan in ay dalkooda iyo dadkooda u horumariyaan.

Waa iibso hubka iyo rasaasta warshadaha gacmaha shisheeye, oo ku gumaad caruur ay dhashay maama soomaaliyeed oo kusoo tiir iyo tacab beeshay,oo waliba aakhira cadaab ku mutayso, aduunyana halaag.

Waxaana Soomaalida looga baahanyahay in caqligu shaqeeyo.

Kolaba waxay u egtahay in deegaanada ssc dawlad gobaleed hoos taga dfs loo samayn doono mar ay noqotaba.

Puntlandobserver.com