Cadayn Muqdisho Ma Noqon karto Caasimadda Soomaaliya Haddii Qaran Soomaaliyeed la Doonayo (Qaybta 1aad)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

-Warbixinadii ugu danbeeyay ee aan ka helayno magaalada Muqdisho, 17-ka xaafadood ee magaalada Muqdisho, DFS waxay in xooggaa la isku hallayn karro u maamushaa illaa 2 xafaadood oo kamida 17-ka xaafadood, ama dhul kooban oo la yiraahdo dhulka dawladdu maamusho.

-Magaalada Muqdisho oo hadda dad badni la ciirciiraysa oo ay Soomaali badankeed isugu yimaadeen, laguna qiyaaso dadka ku nool illaa 3 million oo ruux, ayaa magaalada inteeda badan waxaa kaAduin taliya ururka Alshabaab.

-Qofkii damca in uu u shaqeeyo DFS wuxuu naftiisa galinayaa hallis, waayo waxaa ay alshabaab ku xukumayaan dil ama toogasho qofka dawladda u shaqeeya.

-Haddii aad DFS u shaqayso waa in aad ku noolaataa aagga yar ee ay DFS maamusho, waana in aadan waligaa bookhan 15-ka kale ee xaafadood ee Muqdisho haddii aynan ciidan ku waardiyaynayn.

-Haddii aad DFS u shaqaysid waa in aad degantahay xaafadda DFS maamusho waana in aad 5-ta galabnimo gurigaaga ku xarootid, waana in uu joogo waardiye hub culus haysta halka aad seexanayso oo lacag uu kugu waardiyeeyo kaa raba.

-Alshabaab waa ay ogyihiin Ganacsade kasta oo muqdisho degan waxayna Ganacsadaha waydiiyaan cadada lacagta uu haysto, waana in uu canshuurta sakada bixiyo iyadoo la eegayo lacagta uu haysto haddii uu been sheegana waa khatar.

-dadka ku nool magaalada Muqdisho, badankoodu ma rabaan Dawlad oo waxay lasoo qabsadeen hanaanka dawlad la’aanta gaar ahaan Ganacsatada iyo waliba badi beelaha ladan ee xiligii fawwdada lacagta badan sameeyay hadana bixiya adeegyada dawladda, oo aaminsan haddii dawlad xoog leh timaaddo in ay adeegyada ay hadda bixiyaan lumin doonaan.

Maalinba beel baan sheegi doonnaa laakiin tusaale maanta beesha Duduble.

Deegaanada  Ceelbuur iyo nawaaxigeeda waxaa haysta ururka Alshabaab.

-Alshabaabta laguu sheegayo waa Soomaaligii maanta kula fadhiyay oo caawa inta cimaamad madaxa ku duubtay kuyiri waxaa la i yiraahdaa Alshabaab.

Hadaba mulkiilaha shirkadda Hormuud Telecom Axmed Nuur Jimcaale ayaa kasoo jeeda beesha Duduble, waxaana aad arkaysaa in deegaanada beesha duduble ay haystaan ururka Alshabaab, taasi oo loo qaadan karo in ay ganacsatada waa wayn aynan rabin dawlad sidaas awgeed ay Alshabaab u taageerayaan

 

Hadana xaafadaha iyo degmooyinka ay deganyihiin beesha Duduble iyo beesha Cayr ayaa dadka degan 60% waxay taageeraan ururka Alshabaab, iyadoo loo qaadan karo dooni mayno dawlad xoog leh ee waxaan rabnaa Dawlad aan awood lahayn oo wixii adeega aan anagu u qabano ee aan iyadu inaga wax adeega ama amar ku taaglayna noola iman.

Ganacsatada kale ee ka level hooseeya shirladda Hormuud ayaa qudhoodu aan doonayn wax dawlad la halmaala oo waxay aaminsanyihiin maalinta ay dawlad timaaddo in la isla xisaabtamayo, oo markaas iyaga xisbaab laga jarayo, waa fikir qaldan oo ay iska dhaadhiciyeen.

-Dhanka kale beesha Raxanwayn ayaa ah beesha labadaad ee ugu ganacsiga iyo hantida badan magaalada Muqdisho, waxayna hantidaas sameeyeen intii ay dawlad la’aantu jirtay, waxay kaloo hadda haystaan 60 xildhibaan iyo 10 wasiir, waxayna aaminsanyihiin haddii la isla xisaabtamo in ay wayn doonaan dheeri badan sidaas awgeed waxay taageeraan Alshabaab.

Isku soo duub daraasado la sameeyay 60% shacabka muqdisho waxay ku qanacsanyihiin qaabkaan iyo fawdadaan ay lasoo qabsadeen xiisana umahayaan dawlad.

-Waxaa iyana dhibkeeda leh xaafado dhan oo burbursan oo iyana dib u dhis ballaaran u baahan.

 

Maxaa xala.

-Haddii la doonayo in qaran shaqaynaya oo dhidibada loo aaso hay’adihiisii dawladeed (institutions), waxaa loo baahanyahay meel nabad galyo ah oo aan dadka dawladda u shaqeeya aynan alshabaab iyo cidkale toona ka baqayn ee ay shaqadooda si daacada u gudan karaan.

-Waxaa kaloo loo baahanyahay oo qaran ku barbaaraa waa cadaalad, sidaad la ajligideed waxaa wanaagsan in la aasaaso magaalo cusub ama caasimad cusub oo hadda iyo kow loo sameeyo qorshe iyo nashqad wanaagsan isla markaana caalamka laga codsado in ay dib u dhiska Caasimadaas Soomaalida ka caawiyaan.

-Aakhirka waxaa la rabaa in ay Maamul Gobaleedyadu runta u sheegaan reer Muqdisho oo yiraahdaan enough is enough reer Muqdisho dawlad diyaar uma tihiin, muddisho ha noqoto caasimadda Ganacsiga sida Turkey Istanbul  oo ah Caasiamdda Ganacsiga iyo Ankara oo ah halka ay dawladuu degantahay, waxaana shidan Istanbul.

Sidaas la ajligeed waxaa habboon in  caasimadda meel cusub loo wareejiyo.

 

 

Afeef beelaha aan magacooda ku sheegnay qormadaan waa ka cudurdaaranaynaa si wax loo saxo waa in runta la sheego,  marka wax sax bay naga tahay waa raali galinaynaa.

Puntlandobserver Desk

5 Responses to Cadayn Muqdisho Ma Noqon karto Caasimadda Soomaaliya Haddii Qaran Soomaaliyeed la Doonayo (Qaybta 1aad)

  1. Pingback: Caasimadda Soomaaliya Waa In Muqdisho Laga Raraa (Cadayn) | Puntland Observer

  2. Pingback: Maxaa Ka Jira In Caasimadda Soomaaliya Si Ku Meel Gaara Garoowe Lowgu Wareejiyo | Puntland Observer