Cadayn Sida Ay U Qorsheeyeen Shirkadaha Maafiyadaa In Ay Batroolka Soomaaliya U Dhacaan gaar ahaan Kan Puntland, oo Shacabka masaakiintaa ay helayaan 0%, Tuugada-dilaaliint-siyaasiyiinta-Soomaalida 10%, Dalal Badan 20% Shirkadaha Maafiyada 70%

Filed under: Important News,Wararka |

Hadaad si fiican caalamka ugu fiirsato waxaa laga qadiyaa in ay wax share ah ay ka hellaan macdanta dalkooda ku kaydsan iyadoo shirkadahaan maafiyadaa ay marka hore ka shaqeeyaan in ay dalka siyaasadiisa la wareegaan oo siyaasiin dalkaas u dhashay keensadaan, isla markaasna abuuraan jawi colaadeed oo gaar ahaan dadka dalka degan lakala qaybinayo.

Waxaadna ka warhaysaan dhammaan dalalka soo koraya waxaa laga illaashaa in ay talada dalka wax saamayn ah ku yeeshaan shacabku, iyadoo taa badalkeeda talada dalka hal ruux shandadiisa lagu hubsado oo uu kaligiis siduu rabo go’aan uga gaaro.

Hadaba warbixinadii ugu danbeeyay ayaa waxaa soomaaliya lagu sheegay in ay badwaynta soomaaliya uu ceegaago batrool lagu qiyaasay illaa 100 billion$, gaar ahaan dhanka badwaynta india.

Waxayna sheekadu kasoo billaabatay shirkaddii africa oil ee Puntland ceelka riiggaa gaysay, oo ay waxyar un kadib xigtay Batroolkii Puntland waa la waayay, iyo shirkadihii oo dhanka Muqdisho iyo Hargaysa loo wareejiyay.

Hadana la yagleelay DFS, hadana kooxda damjadiid loo dhiibay, hadana shirkado badan ay dalka yimaadeen.

Hadana la yiri, maamul gobaleedyada waxaa la siinayaa 10%, DFS 30%, shirkadaha batroolka 60%

Dhanka kalena jaraa-idka caalamka ayaa qoray in Madaxa Somoil uu soo jeediyay in somaoil ay qaadanayso 90% halkaan ka akhri
oma Oil & Gas Holdings Ltd., chaired by former U.K. Conservative Party leader Michael Howard, has proposed a deal with the Somali government that may grant it as much as 90 percent of the country’s prospective oil revenue.

Isku soo duub sida hadda hawshu u socoto
Kooxaha madaxda maamul gobaleedyada midkiiba waxaa la siinayaa 5% sida matalan
Madaxwaynaha Khaatumo cali khaliif 2% batroolka ssc
Madaxwaynaha Puntland 5%, faroole 1% odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta 1% waa dhanka Puntland
Siilaanyo 5% siyaasiyinta madaxda dhaqanka 2% waa dhanka somaliland

Damjadiid iyo madaxda muqdisho 10%
Russia china, Ethiopia, saudi arabia, amisom, shabaab 25%

Inta soo hadha shirkadaha maafiyadaa, oo waliba xoogaa siyaasiyiinta westrenka iska laaluushaya.

Sidaas ayaynan shacabka deegaanka degan waxba uga helayn

Marka soomaaliya in batrool laga helaa shacabka soomaalida waxaan dhib ahayn uma soo kordhinayso

Hadana waxaad arkaysaa in raysal wasaare laga dhigay nin soomaaliya oo shirkadda soma oil 2% ku lahaa dhanka kalena waxaad arkaysaa in saldhiggii berbera 1.2 million/sanadkii lagu kiraystay halka jabuuti saldhigga china uga kiraystay 100 million sanadkii.
.