Camey Ma Kooxihii Ku Shubo Ayuu Ku Biirray Waa Kan Wasiir Gurxan Wasiirkii Puntland Ugu Daacadsanaa Xilka Ka Qaadayee (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Maalma dhawayd saxaafadda waxaa ku soo biirray ku shubo hebel, xooggaa lacaga hakuu sameeyo waxaad ka doonayso.

Hase yeeshee oday camey ma kooxaha lagu shubto ayuu ku biirray, waayo macquul ma ahan oday camey in uu laba wiig gudohood sidatan u degdego.

Wasiiru dawlaha xiriirka gobalada u qaabilsan Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxa wuxuu si geesinimo ah fikirkiisa hadda kahor ugu cabiray sida uu uga xumaaday markii Xasan Sh intuu 50 million$ sacuudiga ka qaatay Iran xiriirka u jaray, maadaama Xasan uu madaxda maamul gobaleedyada xoogaagooda u ballanqaaday, wasiir Gurxan wuxuu saxaafadda ka sheegay in ay qalad tahay in Iran xiriirka loo jarro.

Maalin dhawayd Gurxan wuxuu sheegay in uu DFS ku taageeray wixii shaqo siyaadda arrimaha dibadda.

-Hadda Camey arrinkaas awgiis wuxuu xilnka ka qaaday Gurxan, waxaan kaloo meesha ka marnay murankii Sacuudiga oo waxaa iman kara su’aal ah ma qolada sacuudigaa ku shubatay, mise qolada dawlad-diid ee baryahaan ku marmarsiyooda arrinka qalbi dhagax.

Maalin dhawayd waxaa is qabtay Indhacadaha Puntland Gen Muxuyadiin oo sanadkii hore markii xukunka laga qaaday inta kaxaystay hubkii Puntland oo maleeshiya beeshiisa ah ku raray damcay in uu dagaal riddo.

Erag iyo Muxuyadiin waxay isku qabteen hawlihii booliska, iyo dhalinyaro uu damcay muxuyadiin in uu waalidkood baad ka qaato.

Camey ninkii fawdadada waday isagoo taageeraya ayuu Taliyihii Booliska Puntland shaqadii ka fariisiyay.

Markii aan arrimahaas oo dhan qaymaynay, waxaad mooddaa shaki yar oo ku aadan malaha Camey nin odaya ayuu ahaaye wuxuu is yiri koloba meesha sanad kabadan sii jooggi mayside xoogaaga ka uruurso, oo hadda ciddii xooggaa ku shubanaysa ayuu amarkeeda qaadanayaa —> waa shaki ee ma cada.

Hoos ka eeg waraaqda uu camey xilka uga qaaday Gurxan.
Bashiir Gurxan

One Response to Camey Ma Kooxihii Ku Shubo Ayuu Ku Biirray Waa Kan Wasiir Gurxan Wasiirkii Puntland Ugu Daacadsanaa Xilka Ka Qaadayee (Qormo Gaaban)