Home » Archives by category » Sheekooyinka

TUKAHA IYO AAGAANKA

TUKAHA IYO AAGAANKATuke harraadan oo asqo u bakhtiyaya, ayaa Aagaan oo waa hore biyo ka buuxay dul yimid, hayeeshee kolkuu Tukaha qalkiisii afkii Aagaanka saaray wuxuu ogaaday in xoogaa yaroo biyo ay halkaa ku hadheen. Dhib ayay ku noqotay in gunta biyaha jira uu si dhib yar leh ku gaadho. Wuu iskuddayay, misana kol labaad […]

Bile Wuu Baqayay

Comments Off on Bile Wuu Baqayay

Bile Wuu Baqayay Waa Garoowe. Aroor Jimcaad weeye. Jawi wacan weeye oo nabad iyo barwaaqo lagu jiro. Waa xilli roobaad oo xoolihii dhaleen. Cad iyo caano ayaa kob kasta oo aad u dhaqaaqdo ku arkaysaa. Giddi carruurtii yaryarayd dibedda ayay aqalladoodii uga soo baxeen oo u ciyaar doonteen, aan ka ahayn Bile. Waayo Bile wuu […]

Continue reading …

Garanwaa

Comments Off on Garanwaa

Garanwaa Waa waayada ka mid ah Saancaddaale ayaa geed Garanwaa la yidhaahdo tallaalay. Garanwaa (prosopis juliflora) degdeg ayuu u baxay oo yeeshey laamo dhaadheer, caleemo doog iyo diraac cagaaran, qodxo iyo xididdo xoog leh. Geed abaareed weeye oo gunta hoose biyaha ka doonta. Dhirtii kale ee kala jaadjaadka ahaa, nacfiga badnaa, dabeeciga ahaa, geed-guriga ahaa […]

Continue reading …

Tiitole-tiigsade

Comments Off on Tiitole-tiigsade

Tiitole-tiigsade Degmo ka mid ah degmooyinka Soomaalidu degto ayaa maammulkeedii dawladda hoose amar ku soo rogey in dadweynaha halkaa ku dhaqan is-diiwaangeliyo oo qof kasta yeesho Kaadhka Aqoonsiga (Identity Card). Waxaa lagu wargeliyey in cid walba laga qaadayo sawirro wejiga, faraha iyo indhaha ah. Aroortii dambe ayaa rag fara badan bartii kaadhadhka laga bixinayay saf […]

Continue reading …

Awr, Faras iyo Dameer [Sheekaxayawaanka Soomaalida]

Comments Off on Awr, Faras iyo Dameer [Sheekaxayawaanka Soomaalida]

Awr, Faras iyo Dameer [Sheekaxayawaanka Soomaalida] Waxaa la yidhi: Awr, Faras iyo Dameer ayaa sheekeeystey. Awrkii baa yidhi: “Anigu afar aqal baan kol qudha wada qaadi karaa, haddii weeye qof dumaroo wanaagsani igu rarto. Haddiise haweeyney xumi aqal qudha igu rarto, kolkaas anigu ma karo in aan qaado.” Faraskii ayaa isna yidhi: “Anigu nin fuulliinka […]

Continue reading …

Jamaal iyo Jalaqsan

Comments Off on Jamaal iyo Jalaqsan

Jamaal iyo Jalaqsan Waa waayada ka mid ah waxaa jiri jirey inan agoon iyo rajay ahaa. Jamaal ayaa magaciisa la odhan jirey. Waxaa barbaariyey oo wax soo baray oo habeen iyo maalin heegan u ahaa oo muraqoodii iyo iyo maalkoodiiba u huray adeerkii aabbihii la dhashay iyo afadii uu qabay oo inanka eeddo ugu aaddanayd. […]

Continue reading …

Dhurwaa iyo Libaax Dhurwaa cararaya oo cagaha wax ka dayaya baa libaax ku soo baxay. Kolkaa libaaxii ayaa yidhi: “War maxaad la cararaysaa?” Waraabihii ayaa u jawaabay: “Rag baan arkay geel xabbadeeynaya oo reerihii lahaa ka dhacaya.” “Maxaa adiga dabjoog la dhacayo kaa galay, ma geel baad tahay?” – ayuu aarkii weyddiiyey. “Bal adigu orodoo […]

Continue reading …

Cawil iyo Cawaale

Comments Off on Cawil iyo Cawaale

Cawil iyo Cawaale Laba nin oo xukuumadda xil weyn ka haya, iyagoo gawaadhidoodii Land Cruiser-yada ahaa kala wata ayay bartamaha magaalada iskaga horyimaadeen. Waddadu waa barbarka midig qabso (keep on the right hand side), hayeeshee shukaanta baabuurta (car steering) ay kaxeeynayaan waxay ku yaallaan barbarka midig. Waddadii ay ku joogeen ayay labada dhinaca ka kala […]

Continue reading …

Dhabcaal Dhukane

Comments Off on Dhabcaal Dhukane

Dhabcaal Dhukane Waxaa jiri jirey waa waayada ka mid ah nin laba boqol oo halaad lahaa. Xaas iyo carruur midna ma lahayn. Ma lahayn gacal iyo sokeeye. Inta badan cidna isma ayan arki jirinnin. Wuu ka fogaan jirey reerkii dagalka la soo dega. Looma soo martiyi jirin. Hadh iyo habeen xoolahaas ayuu la joogaa. Waa […]

Continue reading …

Xilagube iyo Xareeda

Comments Off on Xilagube iyo Xareeda

Xilagube iyo Xareeda Say iyo ooridii iyo carruutii ay dhaleen ayaa tuulo yar ku wada noolaa. Halkaa ayay dhowr neef oo xoolo ah, makhaayad iyo dukaan yar ku haysteen. “Gacaliye, Gugii baa soo dhowe, dayrka aqalka inaga moos daadka roobka yaanu aqallada, xoolaha iyo carruurta la tegine.” – ayay Xareeda odaygeedii ka codsatay. Xilligii daruuruhu […]

Continue reading …
Page 1 of 10123Next ›Last »