Home » Archives by category » Sheekooyinka (Page 2)

Dhalyannimo Dhab Ah

Comments Off on Dhalyannimo Dhab Ah

Dhalyannimo Dhab Ah Lammaane Ilma Abti isu ah oo is-qabay muddo 21 sannadood ah ayaa wax carruur ah isu dhali waayay. Cadaadis fara badan ayaa xagga ehelka iyo saaxiibbada kaga yimid. “Maxay u wada joogaan haddii ayan waxba isu dhalaynnin?” – canaantaa ayaa had iyo jeer dhegahooda ku soo dhacda. Dabadeed labadii isku mehersanaa midkood […]

Continue reading …

Xogwaraysi

Comments Off on Xogwaraysi

Xogwaraysi Tigaad iyo Tiriig waa saaxiibbo labaatan jirro guurdoon ah, hayeeshee, ka baqaya rag iyaga aan u qalminnin in ay u guri galaan. Dabadeed waa lays waraystay oo guur iyo hawlihiisa ayaa laysku soo hadalqaaday. “Sideedaba horta guur muxuu yahay?” – Tigaad ayaa su’aashaa saaxiibteed weyddiisey. “Waa nin iyo haweeney oo laba kaatuun faraha isu […]

Continue reading …

Warsame

Comments Off on Warsame

Warsame Wiil yaroo saddex jir ah oo Warsame la yidhaahdo iyo hooyadii ayaa rugta caafimaadka ku sugnaa oo dhakhtarka dhawrayay. Dabadeed Warsame ayaa arkay haweeney uur leh oo kob dhowr tallaabo u jirta fadhida. Kolkaa ayuu xaggeedii u soo yara dhaqaaqay oo u yimid. “Maxay calooshaadu u weyntahay?” – ayuu weyddiiyey. “Ilmo ayaa ku jira.” […]

Continue reading …

Diinka iyo Qoloftiisa

Comments Off on Diinka iyo Qoloftiisa

Diinka iyo Qoloftiisa Diinku waayadii hore ma lahayn qolofta adag ee ku daboolan. Habeen ayay Dawaco Diinkii u timid oo ku tidhi: ”Diinow, habardugaag haddaynnu nahay, waxaannu guddoonsannay in kaayagii subixii kuugu soo hormaraa in uu ku cuno.” Diinkii wuxuu ku jawaabay: ”Meesha la iigu tashanayay miyuu Ilaahay joogay?” ”Maya!” ayay Dawacadii tidhi. ”Go’aankiinnu ma […]

Continue reading …

Siciid Saaweel iyo Muun Xaad

Comments Off on Siciid Saaweel iyo Muun Xaad

Siciid Saaweel iyo Muun Xaad Waxaa jiri jirey say iyo ooridiisa. Siciid Saaweel iyo Muun Xaad ayaa la kala oran jirey. Boqor ayuu Siciid Saaweel ahaa. Wuxuu xukumi jirey meesha lagu magacaabo Karin Boosaasood iyo dhulka ku dhowdhow. Boqorad ayay Muun Xaad ahayd. Waxay xukumi jirtey meesha lagu magacaabo Karin Ceelgaal iyo inta u ogog […]

Continue reading …

Say iyo Oridiisa

Comments Off on Say iyo Oridiisa

Say iyo Oridiisa ”Alla Maxamedow, maxaan idin jeclahay, adiga iyo afadaada Xaali! Muddo toban sannadood ah kolkaan indhaha idin saaraba, waxaan arkaa idinkoo gacmaha is-haysta oo mushmushaaxaya oo shacni iyo qurux idin ka muuqata. Eebbe, ha idiin kordhiyo!” Xaliimo oo lammaanaha muddo dheer garanaysay ayaa si niyadi ku dheehantahay ereyadaa dhiirragelinta leh ku tidhi. Maxamed […]

Continue reading …

Siyaasi iyo Sirmaqabe

Comments Off on Siyaasi iyo Sirmaqabe

Siyaasi iyo Sirmaqabe Sirmaqabe xogdoon ah oo aad uga xun xaaladda uu muddada dheer ku soo jirey, ayaa Siyaasi xilli kasta uu xilka u dhiibto weyddiiyey: “Maxaa horta kii aan xushaa xaasid iigu noqdaa? Waayo uu xatooyo, xaalufin iyo xaabqaadnimo xirfad uga dhigtaa?” Siyaasigii baa damcay in uu Sirmaqabe samirsiiyo: “Sababtu, saaxiib, xaggaaga weeye halkay […]

Continue reading …

Wiil iyo Wiil-Waal

Comments Off on Wiil iyo Wiil-Waal

Wiil iyo Wiil-Waal Waxaa la sheegey in uu jirey wiil Wiil-Waal abti u yahay. Wiilkii kolkuu koray oo qaangaadhay ayaa abtigii loo wariyey in inankii walaashii dhashay uu doqon yahay. Wiil-Waal oo ahaa geesi faan jecel ayaa warkaa loo soo sheegey qaadan kariwaayay. Waayo wuxuu rumaysnaa in qof isaga ku cad lihi aanu doqon noqon […]

Continue reading …

Raage Ugaas

1 Comment

Raage Ugaas Waxaa la yiri, Raage Ugaas oo ahaa Ina Ugaas Warfaa ayaa isagoo dhallinyaro ah ka tegey reerkoodii. Wuxuu u doolay Quraan dhigasho. Raage oo ahaa gabyaa weyn, markuu muddo badan reerkoodii ka maqnaa, ayuu jeclaystay in uu arko cid aabbihii uga wargeeysa, ugana soo warranta. Raage oo intuu Quraanka baranayay dacdarro ka dhergey, […]

Continue reading …

Saranseer

Comments Off on Saranseer

Saranseer Nin reer Mudug ah oo Saranseer ku magacdheeraa, ayaa la sheegey in xaaskiisa ay aad u dhibi jirtey oo harsi iyo hoyaad u diiddey. Intuu xaafadda ku suganyahay, wuxuu oridiisa kala kulmi jirey canaan, aflaggaaddo, qaylo, daryeelxumo, cuntoxumo, nasiinola’aan iyo jiifxumo. Hase ahaatee, intuu guriga ka maqanyahay ayuu afadiisa ka nafisaa oo lurka iyo […]

Continue reading …