Home » Archives by category » Sheekooyinka (Page 3)

Bullaale [Qaybta 2aad]

Comments Off on Bullaale [Qaybta 2aad]

Bullaale [Qaybta 2aad] Gabadha uu Bullaale soo dooney magaceedu waa Dhiimo. Waxaa lagu sammiyey Bulaale hooyadii oo inanta Eeddo u ah. Soo dhoweeyn heer sare ayaa Bullaale lagu Soo dhoweeyey. Is-afgarad kaddib, Bullaale inantii waa la siiyey. Waxaa halkaa ka dhacday xaflado waaweyn iyo damaashaadyo ay ilma adeertiis iyo ilma abtidiis boqollaal faras kaga qayb […]

Continue reading …

Bullaale

1 Comment

Bullaale Baaddiye ayuu Bullaale ku dhashay. Waxaa iska dhalay hooyo loo gaaday qof ahaanteeda oo qurux iyo dadnimo ka sokow qiimo farsamo oo ay belo ku qabtay lagu xushay. Qiimigaasoo ah sida loo darbo agabka aqal gobeed lagu sooho oo idil. Waxay gangaantay dhowr aqal oo la isla sheegey quruxdooda iyo waxa aqalladaa iyo dhiskooda dhex […]

Continue reading …

“Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?”

Comments Off on “Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?”

“Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?” Inan reer Burcood ah ayaa weedhaa laga hayaa. Qaybta 2aad Hooda waxay dhegta u taagaysay, guul iyo guuldarraba, waxa guddiga doorashadu soo saaro ama ku dhawaaqo, inkasta oo ay tuhun qabtay. Marnase ma filayn in wax labadaa aan ahayn soo bixi doonaan. Hal mar ayaa  madaxu […]

Continue reading …

“Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?”

Comments Off on “Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?”

“Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?” Inan reer Burcood ah ayaa weedhaa laga hayaa.   Hordhac Waxaan sheekadan ka curiyey doorashadii Soomaaliland [SL], kaddib kolkii habeen habeennada ka mid ah Burco uu mudaaharaad ka dhacay. Gabar magaaladaa joogta oo qoraallo dareen caadifadaysan, calaacal iyo gocoshooyin hore xambaarsan si is-dabo joog ah u […]

Continue reading …

Buuggayga Ma Akhriyo

Comments Off on Buuggayga Ma Akhriyo

Buuggayga Ma Akhriyo Afo la oran jirey Marwo Filib ayaa odaygeeda, Mudane Filib, ahaa nin wax akhrinta habaar ku qaba. Ooridiisii ayaa jeclaysatay in uu waxna akhristo reerkana uusan illaawin oo wakhtigiisa wax ka siiyo. Kor iyo hoosba way ula hadashay, hayeeshee way ka caalwayday oo is-beddeliwaa. Xaaskii markay aragtay Mudane Filib in wax-akhrintu belwad […]

Continue reading …

Bidaarlaha iyo Duulduulaha [Sheekaxayawaannada AESOP] Nin Bidaarle ahaa oo kolkaas shaqo ka soo rawaxay, maalin cadceeddu kululeed xagaana ahayd, ayaa kob hadh leh fadhiistey si uu u nasto. Duulduule ayaa u yimid oo dhakada bidaaartiisa ku dul xiimey oo hadba qaniinyo ku dhufdhuftay. Ninkii wuxuu u tabaabusheeystey in bahalkaa yarka ah u gacanqaado oo kaw uu […]

Continue reading …

Webiyada iyo Badda [Sheekaxariirooyinka AESOP]

Comments Off on Webiyada iyo Badda [Sheekaxariirooyinka AESOP]

Webiyada iyo Badda [Sheekaxariirooyinka Aesop] Waa waayada ka mid ah ayaa dhammaan Webiyada isu yimaaddeen si ay uga ashtakoodaan falka Baddu sameeyso, kaas oo ah in biyahoodu ay milix u rogto. “Kolkaannu adiga kuu nimaadno,” ayay Baddii ku yidhaahdeen, “waannu macaannahay oo waa nala cabbi karaa: hase ahaatee, goortaannu muddo gaaban kula joogno oo aannu […]

Continue reading …

Qofkeenna Ma Dhamma

Comments Off on Qofkeenna Ma Dhamma

Qofkeenna Ma Dhamma Inan da’ yar oo inankay jeclayd, Shiikh Nasruddiin Xoja, xoog uga cadhootay, ayaa ku tidhi, “Allaylehe, nacasnimo way kugu wada dhantahay!” Kuye Nasruddiin: “Heedhe, iga daa sabaasha iyo likaacada, qofkeenna ma dhamma oo wax baa inaga wada dhimman!” Sheekooyinka Shiikh Nasruddiin Xoja [noolaa qarnigii 13aad ee miillaadiga]

Continue reading …

Wax Kaa Khuseeya Ma Jiro

Comments Off on Wax Kaa Khuseeya Ma Jiro

Wax Kaa Khuseeya Ma Jiro Isagoo hoygiisii ku sii jeeda, waxaa Xoja joojiyey nin ay tuulada wada degganaayeen oo xamaasadaysan oo macmacaan hamuungorgoraale ah. “Xojoow, waxaan goor dhoweyd arkay qof sida saxan weyn oo ballaaran oo macmacaan ay ka dhacayso ka buuxo.” “Wax iga khuseeya ma jiro.” “Qofkiise siday wuxuu saxanka weyn oo ballaaran u […]

Continue reading …

Bakaylayaasha iyo Rahaha

Comments Off on Bakaylayaasha iyo Rahaha

Bakaylayaasha iyo Rahaha Bakaylayaasha, sidaynnu la wada soconno, xayawaan weeye aad u xishood badan. Sharqanta ugu yar oo uu maqlo baa cabsi gelisa, wuxuuna u farandulleeyaa burkuu ku dhuunto kolkuu nafta u yaabo. Waxay maalin maalmaha ka mid ah go’aansadeen in gunnimaday ku jiraan ay geeriyi dhaanto. Hayeeshee, iyagoo wali arrinkii rogrogaya oo ka doodaya […]

Continue reading …