Home » Archives by category » Sheekooyinka (Page 4)

Kumaad Rumeeysanaysaa?

Comments Off on Kumaad Rumeeysanaysaa?

Kumaad Rumeeysanaysaa? Waxaa kadinka deyrka Wadaad Nasruddiin yimid nin ay jaar ahaayeen. Dibedda ayuu ugu soo baxay oo ninkii la kulmay. “Wax miyaad, Shiikhow, ka qabi lahayd,” jaarkii ayaa weyddiiyey, “in aad maanta dameerkaaga i amaahiso? Degmada inagu dhow ayaan alaabo yar ku geeysan lahaa.” Hayeeshee, Wadaadku arrinta sinnaba uguma jajabnayn, gaar ahaan in uu […]

Continue reading …

Abees iyo Dabaggaalle

Comments Off on Abees iyo Dabaggaalle

Abees iyo Dabaggaalle Waa baa waxaa jiri jirey Abees boqor ahaa, magaciisana la oran jirey Xuseyl. Abeeskaas baa maalin waxaa u soo dacwooday dabaggaalle quulle meel uu ku xabaashay laga xaday. Markuu dacwaddiisii jeedsanayeyna hadalkii labadooda dhex maray waa kan hoos ku qoran: Dabaggaalle: “Boqor Xuseyl! Quulle baan meel ku xabaashay.” Abees: “Ragga tacab jeclida […]

Continue reading …

Adhi iyo Adhirraace

Comments Off on Adhi iyo Adhirraace

Adhi iyo Adhirraace Adhirraace ayaa damcay ri’ raxantiisa adhiga ka mid ahayd oo ka gooni-daaqday oo ka fogaatay inuu dib u soo celiyo. Wuu u foodhiyey oo buunkiisii u yeedhyeedhiyey, hayeeshee wuu ku guuldarraystay, ka sii daranoo wiciddiisiiba dheg jalaq uma dhiginnin. Ugu dambeeyntii, adhirraacii dhagax ayuu ridii ku halgaaday oo gees ka jebiyey. Kolkuu […]

Continue reading …

Roob-ka-daal

Comments Off on Roob-ka-daal

Roob-ka-daal Qaybta Afraad Afartii galabnimo ayay saacaddu garaacday. Daruurtu aaggii wali kama dulteginnin oo sidii iyo si xoog badan ayuu roobkii u da’ayay. Shaqaalihii goobta waxay iclaamiyeen in aanu jiri doonnin wax tareemmo ah oo London u bixitima ilaa iyo amar dambe. Daadad baa qadhaarkii tareemmada ee Cheltenham ku soo fatahmay. Rugtii wax tareen ah […]

Continue reading …

Roob-ka-daal

Comments Off on Roob-ka-daal

Roob-ka-daal Qaybta 3aad … Sabti, 14kii Luulyo 2007dii, ayuu Raabbi telefoon ka heley rafiiqiisa London deggan, Rafle Carraale, qabanqaabiyaha roobdoonta. Wuxuu u sheegey in goorta ballanta roobdoontu tahay Jimcaha, bisha 20da, saacaddu markay tahay 20:00 (Siddeedda fiidnimo). Goobtu waa Masaajidka Qaaddiriyada ee Jaylaani, waddada uu ku yaallo waa 12 East Avenue. Maxaddada Underground-ka u dhow […]

Continue reading …

Roob-ka-daal

Comments Off on Roob-ka-daal

Roob-ka-daal Qaybta 2aad Xilligu waa Xagaa. Waa waqtiga ruuxa nasiinada u baahani uu nafta latacaalo oo madaddaaliyo. Wuxuu shakhsigu inta badan, waa qofkii awooda’e, gaar ahaan dadka ku dhaqan waddammada horumaray, iskuddayaa in uu daalka iyo shaqadii badnayd ee sannadka ka carraggeddisto, ka fasax-qaato oo ka dhoofo ama ka socdaalo halkii uu markaa degganaa oo […]

Continue reading …

Roob-ka-daal

Comments Off on Roob-ka-daal

Roob-ka-daal Waa afartii aroornimo, Saacadda Kulaylaha Biritaaniya [British Summer Time], waaberi Jimceed, taariikhduna ahayd Luulyo 20dii 2007dii. Circaddaa weeye, roob lixaad leh oo mahiigaan ah ayaa billowday. Agagaarkii oo dhan baa shanqadhmay oo isla diryaamay, isagoo waliba watay dhibicyo waaweyn, waqalloo daruuro ah, onkod iyo hillaac. Dabaysha la socotay ma ahayn mid xooggan. Hase ahaatee, […]

Continue reading …

Goodirkii Xanuunsanaa

Comments Off on Goodirkii Xanuunsanaa

Goodirkii Xanuunsanaa Goodir xanuunsaa ayaa kob gees ah oo dhulkiisii daaqsinta ahaa jiifey. Tiro badan oo saaxiibbadiisa ahaa baa hadba soo booqda oo ka waraysta xaaladdiisa caafimaadka halka ay marayso. Hase ahaatee, kii kol soo booqdaba wuxuu isugu roonaadaa in uu bukaanka ka cuno cuntadii ag tiilley. Sidaas darteed, Goodirkii waa dhintey. Uma dhimannin cudurkii […]

Continue reading …

Cajam, Carab iyo Cuddoon

Comments Off on Cajam, Carab iyo Cuddoon

Cajam, Carab iyo Cuddoon Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cajam iyo Carab lugabaxsi isu raaceen. Waxay arkeen inan gashaanti ah oo jaah iyo joog Eebbe u dhammeeyey oo Cuddoon la yidhaahdo oo aqalkoodii ku sii socota. Carab ayaa yidhi: “Jeclaan lahaayaa in aan u tago oo la soo haasaawo.” Cajam baa isna yidhi: ”Jeclaan […]

Continue reading …

Dayaxa iyo Hooyadiisa

Comments Off on Dayaxa iyo Hooyadiisa

Dayaxa iyo Hooyadiisa Dayaxa ayaa maalin maalmaha ka mid ah Hooyadiisa ka baryay in ay toob u sameeyso. “Maandhow, sidee arrinkaasi suurtaggal ku yahay?” ayay Hooyo ku warcelidey; “Ma jiro cabbir adiga ku le’eg oo kuu geli kara. Kol Bil Cusub baad tahay; kolna Bil Shan iyo Tobnaad ah baad tahay; inta u dhexeeysana keer […]

Continue reading …