Home » Archives by category » Sheekooyinka (Page 5)

Waraabe ”Habaar in uu i haysto baan ka baqsanahay. Haddaan ahay Waraabe, maxay tahay musiibadani oo Maalig kelidey uun igu salliday?” Dhurwaa ayaa su’aalay, isagoo la warramaya Naftiisa. ”Duurjoogta kale hooggani ilama qabaan. Maxaan taa ku galabsaday oo ku mutaystay?” Waxay ugu jawaabtay: ”Ma jiro, innaba ha yaraatee, waxaad kaga duwan tahay dugaagga kale. Ma […]

Continue reading …

Labadii Diiq ee Dirirayay iyo Gallaydhka

Comments Off on Labadii Diiq ee Dirirayay iyo Gallaydhka

Labadii Diiq ee Dirirayay iyo Gallaydhka Waxaa jirey laba Diiq oo deyrbeereed qudha ku wada noolaa oo aan indhaha iska qaadi karinnin. Kama dambeeyntii dharaar ayay isku boodeen oo gafuurka iyo ciddiyaha isla dhaceen oo si ba’an u dirireen. Waxay dirirtu socotay ilaa midkood dhulka la dhigey oo dabadeed midkii laga taag roonaaday inta baxsaday […]

Continue reading …

Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad]

Comments Off on Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad]

Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad] Waxaa jiri jirey oday xoolo badan oo dabjoog ah lahaa oo afadiisa iyo shan inammood ay dhaleen Ciid iyo Ceelcad kula noolaa. Inkastoo odaygu carruurtiisa dhammaan uu wada jeclaa, misana midka dhexe ayuu hawllaha iyo talooyinka reerka ku aammini jirey. Wiilasha kalese arrinkaas kuma faraxsannayn. Aad bay […]

Continue reading …

Dhagarta Faraska

Comments Off on Dhagarta Faraska

Dhagarta Faraska [Sheeko Gaaban] Faras ayaa duur cidlo ah, maalin maalmaha ka mid ah, calaf iyo nasiib, ka heley nirig ay uubato markaas dishay. Durbadiiba salaafnimo u qalay, raran iyo dab saarsaaray, jarjaray hilbaheedii oo bislaysay. Muddo intii aanu fadhiyinnin, ayaa Wiyil u timid. Kute, ”Farasow, nabad ma sheegtey?” ”Belo ma sheeginnin, barwaaqo ayaan ku […]

Continue reading …

Tuke iyo Xuunsho

4 Comments

  Tuke iyo Xuunsho [Sheekaxariirooyinka Soomaalida] Waa waayada ka mid ah ayaa Tuke iyo Xuunsho wada sheekeeysteen. ”Goormaad, Xuunshooy, garataa oo aad dareentaa in la doonayo in lagu dilo?” Tuke ayaa weyddiiyey. Xuunsho waxay ku warcelisey: “Goorta leeb iyo qaanso is fuulaan.” Kolkaas ayaa tuke yidhi: “Naa bi’iwaydaye, lagu dilye! Shiishkii baa dushaada saaran, maxaa […]

Continue reading …

Roobdoon iyo Xadradda Xerta

Comments Off on Roobdoon iyo Xadradda Xerta

Roobdoon iyo Xadradda Xerta [Sheeko Gaaban]   Tuulada Jawaarey, u dhexeeysa degmooyinka Baardheere iyo Saakow, ayaan muddo laba iyo toban bilood (sannad) ah dhibic roob ah ka di’innin. Waxaa rayidkii goobtaas ku noolaa ku dhacay biyo la’aan, dallaggii beeraha oo ka xumaaday iyo xoolihii oo waayay baad ay daaqaan. Dadkii deegaanka deggannaa, intoodii badnayd, waxay […]

Continue reading …

Oday iyo Wiilashiisa

Comments Off on Oday iyo Wiilashiisa

Oday iyo Wiilashiisa   Aabbe wiilashii uu dhalay oo qoyskiisa ka mid ahaa ayaa si joogta ah dhexdooda u cilaaqtami jirey. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu u sheegey in ay u keenaan xirmo ulo ah. Kolkay u keeneen ayuu saf kala wada maray oo hadba mid faraha ka saaray, oo wiilashiisii midba mar ku […]

Continue reading …

Caloosha iyo Xubnaha Jidhka

Comments Off on Caloosha iyo Xubnaha Jidhka

Caloosha iyo Xubnaha Jidhka Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Xubnaha kale ee Jidhka iska dhaadhiciyeen in dhammaan wixii hawl ah iyagu keligood qabtaan, Calooshuna cuntada wada qaadato. Shir Caloosha ka dhan ah ayay kolkaas qabsadeen. Waxay dood dheer kaddib go’aansadeen in ay shaqajoojin sameeyaan teer iyo inta Calooshu ka oggolaanayso in shaqawadaagga ay door […]

Continue reading …

Geedaha iyo Godinta

Comments Off on Geedaha iyo Godinta

Geedaha iyo Godinta Nin baa kaynta dhex yimid oo Geedihii weyddiistey in ay ku haqabtiraan daab uu faaskiisa gashado. Geedihii waa ka yeeleen codsigiisii oo waxay siiyeen geed qudhac ah oo yar. Waxaa durbadiiba dhacday in ninku daabkiisii cusbaa faaskii ku xirtey oo uu billaabay in dhirtii waaweynayd ee asiiliga ahayd ee kaynta si degdeg […]

Continue reading …

Haweeney iyo Digaagaddeeda

Comments Off on Haweeney iyo Digaagaddeeda

Haweeney iyo Digaagaddeeda Haweeney ayaa lahayd Digaagad xabbad bayd ah dharaar walba u dhasha. Waxay sida qaalibka ah si feejigan uga fekeri jirtey habkay maalintii laba haloo ukun ah ku heli lahayd halka xabbad qudha ay ka hesho. Ugu dambeeyntii, si ujeeddadeeda u hirgesho, waxay go’aansantay in labajibbaar mesego ah ay Digaagaddii siiso. Maalintaa iyo […]

Continue reading …