Home » Archives by category » Sheekooyinka (Page 6)

Nacabo iyo Nasteexo

Comments Off on Nacabo iyo Nasteexo

Nacabo iyo Nasteexo Waxaa waa waayada ka mid ah kob ku wada noolaa Naalleeye iyo labadiisa xaas, Nacabo iyo Nasteexo. Labadiisa marwood ayaa habeen iyo dharaar dagaal joogta ah oo aan abid soo af-jarmin isku hayay. Naaleeye waqtigiisa intiisii badnayd waxaa ka qaatay u kala garniqidda labadiisa afood. Xilliyadii hore waxaa gacansarreeyn jirtey Nasteexo oo […]

Continue reading …

Doqon iyo Taroox

1 Comment

Doqon iyo Taroox Nin tuug ah ayaa baadiggoob ugu jirey wax uu xado oo boobo. Wuxuu dabadeed isagoo waddo haya la kulmay doqon jidka marayay. Tarooxii wuxuu ninkii weyddiiyey in reero meelahan ka dhow yihiin oo deggan yihiin iyo in kale. Doqonkii wuxuu ku jawaabay: “Haayoo, reerkayga ayaaba kob dhow deggan”. Tuuggii wuxuu kaddib doqonkii […]

Continue reading …

Dheg Is-jar Ama Dhaqaaji Nin boqor ahaa baa wiil la’aani ku dhacday. Da’dii u dhalataaba waa gabar. Isagoo quus ka ah in boqortooyada wiil uu isagu dhalay ka dhaxlo, baa maalinkii dambe wiil u dhashay. Inkastoo boqortooyadii oo dhan arrinkaa looga dabbaaldegey oo muddo damaashaad socday, misana boqorka waxaa walwal ku qabtay farxaddiisiina kala dhantaalay […]

Continue reading …

Isbeddel-iskuddaye

2 Comments

Isbeddel-iskuddaye Nin Cawaale la yidhaahdo baa muddo 27 sannadood ah iskuddayayay in uu isbeddel sameeyo. Wuxuu caawinayay qofka saboolka ah. Wuxuu dawo u iibinayay qofka xanuunsan. Wuxuu daryeelayay maatada. Wuxuu ka shaqeeynayay daminta colaadda, nooleeynta nabadda iyo walaaleeynta beelaha. Wuxuu u kala socdaalayay dhammaan deegannada Soomaalidu degto. Wuxuu ka yureeynayay cadowga Soomaali dilooday oo ah: […]

Continue reading …

Waraabe Walamsade

1 Comment

Waraabe Walamsade Waxaa gosha Waamo ku noolaa waraabe la magacbaxay “Wax-ma-hambeeye”. Waaguu dhallinta yaraa ayuu iska dareemey in uu awood iyo karti gaar ah leeyahay. In uu xawayaanka kale indhasarcaadin karo oo been u sheegi karo. Kolkuu soo yara koray oo xoog yeeshey ayuu kob duurjoogtii kale biyo iyo baad la’aan uga wada yaacday malcamad […]

Continue reading …

Dhagarqabe Dhulka Ayaa u Dhaqdhaqaaqa [Sheeko Gaaban] Waxaa la wariyey waa inuu jirey dhurwaa la magac baxay ”Qooqane.” Da’diisu boqol sano gu’yaal baa uga hadhsanaa. Kaddib Qooqane waxaa la sheegey in uu indhabbeeley oo waxba arki waayay. Kob ayuu iska yaxoobsaday oo yuurarsaday. Wuxuu isugu yeedhey oo u habarwacday wax-allaale iyo wixii ehelladiisii ahaa ee […]

Continue reading …

Libaax iyo Dawaco [Sheeko Gaaban]

Comments Off on Libaax iyo Dawaco [Sheeko Gaaban]

Libaax iyo Dawaco [Sheeko Gaaban] Waa waayada ka mid ah, waxaa aagga Sarrinley ee Degmada Baardheere ku noolaa libaax la magacbaxay Qabweyne. Wuxuu ahaa nafleey aad u naxariisdaran. Wax allaale iyo wixii ka horyimaada cagta ayuu marin jirey oo waa dili jirey. Wuxuu dalandooli jirey oo uu isaga kala gooshi jirey miyiga Gedo oo dhan. […]

Continue reading …

Waraysi Waraabe ayaa lagu yidhi: “Waraabow, waligaa caano ma aragtay?” Wuxuu yidhi: ”Haa.” Waxaa lagu yidhi: ”Sidee bay u egyihiin?” Wuxuu yidhi: ”Waa wax madmadow oo muska laysaga dhiib-dhiibo.” Hadhuubbada iyo dhiillaha ayuu sheegayaa. Dabadeed, Soomaali ayaa lagu yidhi: ”Soomaaliyow, waligaa dawladnimo ma aragtay?” Wuxuu yidhi: “Haa.” Waxaa lagu yidhi: “Maxay tahay?” “Wuxuu yidhi: “Sow […]

Continue reading …

“Rag, ‘Walaal!’ Wuxuu ku Dhaamo Waayay” [Sheekooyinka Wiil-Waal]

Comments Off on “Rag, ‘Walaal!’ Wuxuu ku Dhaamo Waayay” [Sheekooyinka Wiil-Waal]

  “Rag, ‘Walaal!’ Wuxuu ku Dhaamo Waayay” [Sheekooyinka Wiil-Waal]   Garaad Faarax Garaad Xirsi Garaad Hantun “Wiil-Waal” ayaa maalin maalmaha ka mid ah shir qabtay. Dhammaan dadkii deegaanka ka dhowaa ayaa shirkii ka soo qaybgalay.   Wuxuu Wiil-Waal dadkii ku yidhi: “Maanta waxaan doonayaa in aan idiin sheego hadal murti iyo mahadho leh oo magguuraan […]

Continue reading …

Nin iyo Shimbir [Sheekaxariirada Soomaalida]

Comments Off on Nin iyo Shimbir [Sheekaxariirada Soomaalida]

  Nin iyo Shimbir [Sheekaxariirada Soomaalida] Maalin maalmaha ka mid ah nin  baa shimbir gacanta ku soo dhigey. Wuxuu doonayay in uu fiidadkii ku casheeyo. Shimbirtii baa dabadeed ninkii la hadashay oo tidhi: “Waxaan filayaa in aad qorsheeysatay in aad caawa casho iga dhigato. Hayeeshee, waxaa kuu dhaami lahayd, ayay ila tahay, saddex arrimood oo […]

Continue reading …