Caydiid Askarigii Wasiir Siraaji dilay Oo Markii Maxkaddu Ku Xukuntay In Ulakac U dillay Lana Tooganayo Ayaa Waxaa Kasoo Horjeestay Beesha Cayr Iyo Arrinkii oo Qabiil Loo Badellay (Daawo Dhowr Filim iyo jawaabo la isku mariyay hawada)

Filed under: Important News,Wararka |

qabyaalad
Caydiid waa askarigii dillay wasiir siraaji oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.
Askariga dilay ayaa kasoo jeeda Beesha Cayr Habargidir.
Maxkamadda sare ayaa sheegtay in uu ula kac u dillay, waxayna ku micneeyeen goobta uu wasiirku ku sugnaa waxay ahayd goob amaankeedu suganyahay mana jirrin sabab xabad loo adeegsado.

Waxaana arrinkaas diidan beesha uu kasoo jeedo Caydiid oo ku doodaya in uunan askarogaas ula kac u toogan.

Gobolada Puntland ayaa waxaa ka jira sharci dhigaya qofkii qori uu gacanta ku hasto xabad ka fakatay ay qof kale disho in isagana la dillo, oo waxaa la isku raacay in qofwalba qoriga gacantiisa ku jira uu illaashado, balse haddii xabaddaas ay xitaa si kama ah kaaga fakato oo ay qof disho waa lagu tooganayaa illaa ay beesha qofka laga dillay ku cafiyaan, waa sharci Puntland beelaha degay ay isticmaalaan oo awal ayaa waxaa batay inta qof la dilo layiraahdo xabaddaa iga fakatay.

Balse dhaqankaas ayaan muqdisho ka jirrin oo muqdisho qofka la dillaa qiimo saas u badan kuma fadhiyo, kaliya waxaa muhiima in aad ka dhalato beel awood badan.

Hadaba waxaa jira qolooyin dhanka saxaafadda arrinkii madaxda dawladda u saaray iyo qaar difaacaya.
Bal dhawrkaan video daawada

Beesha uu ka Soo jeedo Askarigii Dilay Wasiir Siraaje oo Hadal aan laga Filayn Soo saatay

Siyaasi kasoo jeeda beesha Murursade oo beesha Cayr ku eedeeyay in ay in ay siyaasadeeyeen arrinkii maxkamadda iyo dilkii lagu xukumay caydiid

Banaanbax beesha Caydiid


4 Responses to Caydiid Askarigii Wasiir Siraaji dilay Oo Markii Maxkaddu Ku Xukuntay In Ulakac U dillay Lana Tooganayo Ayaa Waxaa Kasoo Horjeestay Beesha Cayr Iyo Arrinkii oo Qabiil Loo Badellay (Daawo Dhowr Filim iyo jawaabo la isku mariyay hawada)