Caynte Sow Ma Ahan Ninkii Ka Been Abuurtay Tirakoobka Soomaalida, Hadana Maanta Inta Wasiiradii Shaqada Lahaa Laga Booday Baa Shirka London Madax Looga Dhigay (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Puntlandobserver baan muddo 6 sano ah waxaan ku daabacaynay qoraalo la xiriira dawlad wanaagga.
Aakhirkii waxaan ku soo koobnay dawlad wanaag hal eray, cilmi baaris baddan kadib halkaas eray oo ah, RUNTA SHEEG –> TELL THE TRUTH.

calashaan dawlad wanaag waxaan ku soo koobnay in laga run sheego masuuliyadda laguu dhiibay waxna ha ku darrin waxna haka dhimin kaliya wax walba runta ka sheeg, waxaan ay reer galbeedku maldahayaan —-> transparency (hufnaan), –> consensus (loo dhanyahay), —->  accountability (isla xisaabtan), dhamaantod waa runta sheeg.

Qofkasta oo masuuliyad umadeed loo dhiibana waxa kaliya ee laga rabo waa in uu runta ka sheego waxwalba haddii ay noqon lahayd shaqada mustaqbalka la qorshaynayo iyo haddii ay noqon lahayd wixii horay loosoo qabtay.

Hadaba caynte shaqadii ay Soomaali oo dhami u dhiibatay ma ka run sheegay jawaabtu waa maya oo Tirakoobkii wuu ka been sheegay, tirakoobkuna waa halka ugu muhiimsan oo haddii laga been sheego waa halka ay cadaalad daro ka billaabanayso waayo aduunka aan ku noolnahay dhamaantiis waxay shaqo ka billaabaan tirakoob oo hadhow waa barta siyaasadda lagu jaangoynayo.

hadaba ninkii sidaas tirakoobkii uga been sheegay, ayaad mooddaa hadda in lagu abaalmarinayo beentii oo loo sharciyaynayo.

Akhri warbixin aan xiligaas tirakoobka ku daabacnay p/o oo aan ísku barbardhigayno gobalada Nugaal iyo Mudug si aan bulshada ugu cadayno beentii Caynte,

 

Fadeexad: Beenta Saadaasha Tirakoobka Soomaalida (cadayn Baadiyaha Gobalka Mudug waxaa ku nool 180 kun, Gobalka Nugaal Baadiyihiisana 213 kun)

One Response to Caynte Sow Ma Ahan Ninkii Ka Been Abuurtay Tirakoobka Soomaalida, Hadana Maanta Inta Wasiiradii Shaqada Lahaa Laga Booday Baa Shirka London Madax Looga Dhigay (Fallanqayn)

  1. Pingback: Caynte Sow Ma Ahan Ninkii Ka Been Abuurtay Tirakoobka Soomaalida | allsanaag