China Oo Fahmay Siyaasadda Aduunka Waa Dal Ku Dayasha Mudan (Fallanqayn)

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Wararka |

Siyaasaddu waa cilmi barasho durugsan u baahan maantana waxaan ku fallanqaynaynaa siyaasadda qabow ee China uu ciyaaro oo runtii mudan in il-gooniya lagu eeggo.

Dalka China ayaa hadda ciyaara siyaasad ku dhisan horumarin iyo bayacmushtar, dhanka kalena China ayaa cilaaqaad wanaagsan la leh dhammaan umadaha illaahay dunida ku abuuray oo aad arkayseen shallay in Madaxwaynaha China uu si gobanimo ah qasrigiisa ugu tagay Donal Trump oo intii uu musharaxa ahaa aad uga hadli jiray China, hadana intii uu madaxwaynaha China uu Trump martida u ahaa ayuu Trump Bashar Al Asad oo ay xulufo hoose China yihiin gantaalo la dhacay, saasoy tahay China juuq ma uunan oran oo afkuu qabsaday, waayo China waxaa ka go’an in uunan wax fawdo iyo dagaala faraha la gallin ee taa badelkeeda ka shaqeeyo dhanka nabad-kula noolaashada dunida iyo wanaajinta cilaaqaadka bini aadamka illaahay dunida ku abuuray sidii nabad loola noolaanlahaa oo ganacsi wanaagsan loola yeelanlahaa.

 

Si kastaba ha ahaato siyaasadda ugu muhiimsan waa siyaasadda ku xeeren asxaan fallid, wanaag ka shaqayn, islaax ka shaqayn, soo dhawayn bini-aadamka dalkay rabbaan ha ahaadeen, nabad ka shaqayn.

Marka aad arrimahaas ajandahaaga koobbaad ka dhigitid ayaa waxaa lagu xijiyaa, sidii aad jaarkaaga iyo caalamkaba ganacsi ula samayn lahayd, maadaama aad isku qalbi furantihiin oo aad noqotay dal wanaag lagu bartay oo la aamini karro.

Waana siyaasaddaas siyaasadda uu China dunida kale kaga badiyay.

 

Soomaalida ayaa looga baahanyahay in aynan u kala eexan bini aadamka caalamka ku nool oo ay soo dhaweeyaan dhammaantood, marka ay qulqulad dagaal jirtana waxaa la ciyaaraa siyaasadda dhexdhexaadinta iyo islaaxinta dalalka ay xurguftu dhex martay ee marna lalama kala safto, waayo haddaadba marba qolo la safato, waxaad ka eed badantahay wixii ay gaysteen qolada aad la safatay, oo adaaba waxaas oo eeda dusha ku qaadanaya.

Hoos la eeg qormooyin aan horay ugu daabacnay P/O oo isla arrinkaan la xiriira.

Maxaa ka Jira In Dawladda Farmaajo Lakala Safatay Qulquladda Siyaasadeed Ee Turkiga Iyo Holand (Fallanqayn Kooban)