Ciidamada puntland oo la wareegay Goobihii lagu dagaalamay soona afmeeray

Filed under: Wararka |

Ciidamada Daraawiishta ee Puntland oo wata dabaabaad culus ayaa la sheegayaa in ay kala wareegeen Maleeshiyaadkii uu saaka Dagaalku ku dhexmaray ee Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha Ciidamada Puntland ayaa ciidamada Puntland ugu baaqay in la maxkamadaynayo ruuxii wax tacadiya kula kaca shacabka caadigaa ee aan dagaalka ku jirin iyo Maxaabiista.

Ciidamada daraawiishta ee Puntland ayaa la sheegayaa in ay si fiican hadda usoo afmeereen Goobihii saaka dagaalku ka socday hadana uu dagaalkii qaboobay ama ay fogaadeen Xabadihii awal meelha dhaw laga maqalayay

P/O