Ciidamada Somaliland oo qabsaday Laasasurad deegaan ay horay Beesha Majeerteen degi jireen

Filed under: Wararka |

Laasa Surad Map

Laasa Surad oo horay ay u degi jireen Beesha Majeerteen, ka hor dagaalkii beesha Isaaq u dhamaayeen 1988 oo ay ku soo qaadeen gobolka Sanaag iyagoo adeegsanaya hubkii dawladda dhexe ayaa saldhig Ciidan maanta waxa ka samaystey maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Isaaq, horayna degaanadaas waxa loogu abuurayey dad shacab ah oo ka soo jeeda galbeedka Hargaysa. Ciidamadda badda Puntland, ee degaankan difaaci lahaa ayaa shaqo ka dhigtay bililiqada macdnta Puntland iyo inay u xoog sheegtaan dumarka iyo Ciyaalka reer Puntland oo ay qaarkood timaha ka xiiraan

Warkaan waxaan ka soo xigamay Allsanaag