Cirka Somalia Reer ba’ow yaa ku leh, By Abdullahi Ahmed Azhari

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Hawada Somalia

Cabdullaahi Axmed Azhari

Cirka Somalia Reer ba’ow yaa ku leh

Waa qaybtii labaad ee Cirka Somalia Reer ba’ow yaa ku leh.

Bishii marso 2013, waxaan in yar ka sheegnay sida boobka iyo Bililiqadu ugu dhacday Cirka iyo Hawada Somalia.

Waxaan hadda ifinayaa in yar oo dhacday ka dib qormadii hore , balse aynu is xasuusino qayb yar oo ka mid ah qormadaas hore .

Ilaa iyo hadda, inta dadku ogyahay, cirku ma laha derbi la soo taaban karo oo aan laga gudbi karin. Haddii aan xogtaas sida ay tahay u qaadano, dawladaha dunidaan la yaqaan ku sugan ayaa ku heshiiyey in Cirka ilaa xad la kala lahaado. Arrintaas haddii aan rumaysano, dawladaha aduunka, mid walba waxaa loo qoondeeyey cirka ( Airspace) ku aaddan dhulka iyo badaha ku xayndaaban inta ay ku leeyihiin ee Khariiradda Waddankaasu  ku fadhido.

Dawlad kasta waxa ay maamushaa dhammaan gaadiidka Cirkeeda mara ama ku dega gagooyin keeda.Waxa ay siisaa hoggaamin iyo kala-jehayn. Sidaas oo kale , waxa ay bixisaa xog/akhbaar ku aaddan xaaladda  saadaasha hawada sida Cimilada iyo Gegooyinka diyaaradaha. Habkaas maamulka Cirka ku saabsan waxaa loo yaqaan: Flight Information Region Boundary (  FIR Boundary).

Badanaaba, maammulidda cirka ee dawlad walba waxaa loogu magacdaraa looguna yeeraa magaalo-madaxda dalka, taas oo  noqonaysa xarunta laga hago gaadiidka cirkeeda isticmaala,  sida Muqdishu FIR, Nairobi FIR, Cairo FIR etc.

Waddamada leh dhulka baaxadda weyn, sida Maraykanka, waxa ay leeyihiin dhawr xarumood oo gaadiidka cirka laga hago ( FIR Boundary). Haddana, dhammaan xadka cirka waddamada dariska ah waxaa ka dhexeysa wada-shaqayn. Maadaama dunidu isku wada xiran tahay, dalalku waxa ay isu gudbiyaan hagidda gaadiidka u kala gooshaya Cirarkooda, si midiba tan kale ula socodsiiso gaadiidka xadkeeda soo gelaya ama ka baxaya.Waxaa markaas dawlad walba xeer caalami ahaan waajib ku noqonaysa dhammaan waxyaalaha gaadiidka cirkeeda marayaa u baahan yahay, sida nabadgelyada, xogta gegiyada diyaaradaha, saadaasha Hawada iyo wixii soo raaca.

NOTAM ( notice to Airmen) waa baaq wargalineed oo ay diraan Hayadaha duulimaadyada Rayidka ah ee Dawladuhu, waxaana lagu xusaa isbadalka iyo dhacdooyinka ku yimaada hawada ay ku gooshayaan Duulimaadyadu, sidoo kale waxaa lagu tabiyaa xogta Garoomada xaaladoodu wax iska badalaan.Waa baaq caalami ah oo ku xusan Lifaaqa Annex 15 ee AIS Aeronautical Information Service oo ay hayadda ICAO International Civil Aviation Organization dhaqan galisay 4 April 1947. Sidoo kale diiwaanka Aeronauticatal information publication AIP ayaa ah mid lagu daabaco lagana daalacdo xaalada guud ee duulimaad iyo gagooyinka wadan walba.

Bishii September 6dii 2016 ayaa Dawlada Somalia hakisay Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray Kenya, Dabadeed waxaa Arintaas go’aan ka gaaray Madaxweynayaasha labada wadan ee Somalia iyo Kenya Hassan sheikh mohamud iyo Uhuro Kenyata, ka dib markii ay isku arkeen shirkii ururada IGAD ee lagu qabtay Mogadishu September 13dii 2016. Waxaana lagu heshiiyay laba qodob oo wax is dhaafsi ah, tan koobaad in qaadka la fasaxo iyo tan labaad oo ahayd in duulimaadyada ka tagaya Mogadishu aan lagu hakin Wajeer oo ay toos ugu gudbaan Nairobi. Duulimaadyadii Qaadka waxaa la fasaxay maalin ka dib markii la gaaray heshiiska, ayadoo ay si gaar ah dawladda Kenya u codsatay in qaybta kale ee heshiiska oo ay duulimaadyadu ugu gudbayaan Nairobi la dhaqan galiyo mudo saddex bilood ah ka dib.

Nasiib darro afar bilood dabadeed ayaa meeshii Cirka laga sugayay( roobka laga sugayay ) ceeryaamo ka timid markii uu Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ee Kenya, Gilbert Kibe uu bishii janaayo 23, 2017 sheegay in ay waajib tahay in dayuuradaha ka tagaya muqdishu ee ku sii jeeda Nairobi sababo dhinaca Ammaanka ah awgeed lagu sii baarayo garoonka wajeer, asagoo la hadlayay wargeyska African Review ee ka soo baxa magaalada Nairobi. Arinkaas oo khilaafsan heshiiskii heer madaxweyne ee horay loogu kala saxiixday Mogadishu. Hadaba in kastoo ay tahay in la dhawro Heshiisyada iyo balamada ay wada galaan dawladuhu hadana dawlad kasta ayadaa danteeda og, wax la yaab ahna ma lahan in ay dhacdo tan oo kale.

Dhulka Somalia iyo hawada ka saraysa ayaa ah mid Caalamku aqoonsanyahay oo laguma xad gudbaan ah.Qormadii hore waxaan ku xusnay, gegi caalaami ah in ay ka hawl galaan ugu yaraan shaqaalaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha (Immigiration department ), iyo kuwa waaxda canshuuraha ( Customs ), si loo ogaado wax kasta oo dalka soo gelaya amaba ka baxaya dad iyo Duunyo. Waxaa jira maalin kasta ku dhawaad ilaa 50 Diyaaradood oo meelo kala duwan kaga yimaada wadanka oo wax yar oo shirkadaha duulimaadyada Rayidka ahi leeyihiin ma ahee intooda kale ayna cidna fasax siin oo iska soo gala dalka kuna soo dega garoomada Diyaaradaha, lama yaqaan badankoodu waxa ay sidaan ama waxa ay ka qaadayaan wadanka. Duulimaadyadaasi waxaa suurta gal ah in ayna xiriir la samayn baraha hagidda diraaradaha ee wadanka gaar ahaa Mogadishu FIR boundary, boqokiiba 90 waxay ka soo kacaan kuna laabtaan wadanka Kenya .

Waxay jabiyaan Sharci heer caalami ah ayagoo halis ku ah duulimaadyada kale ee hawada ku jira ee la ogyahay siiba kuwa Rayidka ah ee sida rakaabka iyo badeecada caalamiga ah, si indha iyo dhago la’aan ah bay isaga maaxaan Hawada Somali, jooggeey doonaan iyo jahadeey rabaan bay ku duulaan habayn iyo maalin, waxay qas iyo qalalaaso galiyaan guud ahaan hawada sare ee wadanka, mana bixiyaan khidmado la ogyahay, waxay isaga gudbaan kuna degaan dhawr Airpor oo wadanka gudihiisa ah halkii duulimaad maalintii.

Cirka Somalia, Reer ba’ow yaa ku leh.”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in gobolada qaar looga gacan haadinayo Duulimaadyada noocaas ah iyadoo u malaynaya in ay wax ugu siyaadayaan sida dhacday markii dawladdu joojisay qaadka, taas oo keentay in caga jiidka iyo tixgalin la’aan ku aadan Heshiisyadii la galo ka timaado dawladaha deriska ah qaarkood, (gudin yahay ima goyseen haddaan gabal kay kugu jirin).

sidoo kale waxaa xusid mudan in qaybo ka mid ah duulimaadyada hay’ada aan dawliga ahayni u raacin nidaamka guud ee hawada dalka ayagoon ka soo galin wadanka Albaabka saxda ah ee loogu yeero Mogadishu Flight information Region, waxay gobolada ula macaamilaan sidii dalal daris ah oo aan isku dawlad ahayn oo kale. Caalamku waxaa uu horay ugu aqoonsaday dhulka Somalia iyo badduba in ay khatar yihiin, waxaa hadda Cirka Somalia uu ku dhawyahay in loo aqoonsada mid aan la isku halayn Karin oo khatar ku ah duulimaadyada caalamiga ah.

La soco qayta kale oo aynu filayno in aan ku soo qaadano Qaabka Hawada ka saraysa fariisimaha iyo saldhigyada ciidamada isticmaala diyaaradaha dagaalka.

Duuliye sare : Abdullahi Ahmed Abdulle (Azhari).

azhari101@gmail.com