Cirka Somalia,Reer Ba’ow Yaa ku Leh Qaybtii-3aad By Duuliye Sare Abdullahi Ahmed Azhari

Filed under: Important News,Wararka |

aZHAR CIRKA SOMALIYOW YAA KU LEH
CiRka Somalia,Reer ba’ow yaa ku leh 3.
Hawo Dawlad goboleed. Regional Government Airspace.
Aduunyada Nin joogoow maxaa Aragti kuu laaban .
Dunida aynu ku noolahay sinaba wadan ugama jirto Cir ama Hawa Dawlad goboleed ugaar ah Gobol wadanka ka mid ah oo laga Aqoonsanyahay, Caalamka iyo qaramada midoobayba.
Hawada sare ee Somalia waa mid qur ah, oo aan Sarifnayn waxayna Caalamka magac ahaan uga diiwaan gashantahay oo loo yaqaan “Mogadishu Flight Information Region”, waana Xeer Caalamku wada qaatay in magaalo madaxyada wadan walba loogu yeero sidaas, magacana dawladda Somalia ee hadda jirta ama cid kale uma bixin.
Duulimaadyada aan fasaxa ka haysan Mogadishu FIR ee soo gala wadanka ama meel kale oo aan loogu tala galin u weecda waxaa loo aqoosan yahay mid ku xad gudbay hawada sare ee Wadanka cid kasta ha wadato ama ha u kiraysnaatee.

Qormooyin hore ayaan faraha ugu fiiqnay sida tacadiga iyo dhibtu uga jirto Hawada sare ee Somalia. “(Cirka Somalia Reer ba’ow yaa ku leh I & 2)”.
Duulimaadyadii Qaadka keeni jiray Garoonka Caalamiga ah ee Mogadishu oo u weecday meelo kale oo wadanka ka mid ah, iyagoon cidna fasax ka haysan, waxay daliil cad u yihiin in aan maamulka sare ee Cirka Somalia, somalida gacanta ugu jirin loogana dambayn, Iyadoo mulkiilayaasha diyaaradahaas iyo kiraystayaashii watay ay mas’uuliyadda xad gudubyadaas si gaar ah u leeyihiin.
Waxaa si aan gabosho lahayn u curyaamiya una jabiya Amarada dawlada oo ay ha’addii duulimaadyada iyo saadaasha hawadu la gudan wayday waajibaadkeedii.

1. Hay’adda UNka ku tiirsan ee Nairobi ka maamulaysa Hawada Somalida, kuna shaqaynaysa magaca hayaddii duulimaadka Rayidka ah iyo saadaashii hawada Somalia.
2. Wada shaqayn iyo Isku xiraan la’aanta Maamulada Gagooyinka Diyaaradaha ee Wadanka iyo Hay’adda Duulimaadyada Rayidka iyo saadaasha Hawada Somalia.
3. Milkiilayaasha Diyaaradaha ka Diiwaan gashay Kenya oo caadaystay in ay fasax la’aan ku soo galaan ugana soo baxan hawada Somalia.
4. Ganacsato Somali iyo Ajnabiba leh oo aan marnaba doonayn Dawlad tayo leh oo ka taaba gasha wadanka, ma ogola in ay bixiin canshuur si ay u curyaanshaan dawladda.
Haddii Dawlada feredaal ah Amar ka soo saartay Badeeco ama Rakaab ka dega Gobol ma ahan in meelo kale looga gacan haadiyo, hadiiseba ay dhacdo in badeeca gobol kale laga soo weecshay ay soo gasho gobol kale ayadoo aan u hogaansamid amarka Dhawladda Dhexe waa in lagu fuliyo amaradii uga waajibay gobolkii Hore.
Sidoo kale waxaa iska cad in ay ganacsatada badeecadu iyo Diyaadaduba Gobolkay ku degayaan horay xariir ula yeesheen, waa baryay sacabo laguma dadi karo, waxaa wanaagsan in midnimada la adkeeyo,waxaana hubaal ah in barnaamijku yahay mid inta uu sii jirayaa ay yar tahay. Waa la doogsane yaan la dacaroon.
Baaqyadii cusbaa iyo Tariifooyinkii Wasaaradda maaliyadu soo saartay ee Qaadku isku mar wadanka oo dhan ugama hirgalin karaan, Mogadishu hadii lagu bilaabay waa magaalo madax oo mas madaxaa laga dilaa baa horay loo yiri. Kastamada oo dhan wey gaaridoonaa.
Duuliye Sare Abdullahi Ahmed Azhari
azhari101@gmail.com

 

Cirka Somalia Reer ba’ow yaa ku leh, By Abdullahi Ahmed Azhari