Cismaan Cumar:Baahinta Awoodda iyo Adeegga Dawladda

Filed under: Wararka |

Baahinta Awoodda iyo Adeegga Dawladda

Waxaa si cad oo muuqata loogu fashilmay baahinta awoodda iyo addeega dawladnimo laga soo bilaabo 1960 ilaa burburkii dawladdii dhexe 1991. Awoodda iyo adeegga dawladnimo waxaa uu ku soo uruuray magaala madaxda Muqdisho oo uu welina ku urursanyahay. Adeeg kasta oo idil, sida caafimaadka, waxbarasho heer jaamacdeed, ganacsiga caalamiga ah, duulimaadka dibadda, isgaarsiinta, idaacadaha, tv-yada, caymiska, baasaboorada, iwm. Sidoo kale awoodda dawladnimo mid dhaqaale iyo mid cudud millatari waxaa ay ku soo ururtay Muqdisho iyo qabiil gaar ah.

Maamulada cusub sida Puntland iyo Somaliland ayaa weli waxaa ay hayaan waddadii hore oo aheyd in caasimaddu isku fuuqsato awood kasta. Taa waxaa dheer in hal qabiil oo qura uu sheeganayo caasimadahaasi. Qabiiladaasu waxay fara maroorsadaan agab ama shaqa oo idil.

Maanta ‘guddoomiye’ Xaad iyo Axmed Diiriye iyo nabaddoonno badan oo Hawiye ah ayaa u yaqaan beesha Hawiye dadka “Reer Muqdisho”. Sida dadkaasi ay la tahay, haddaad maqasho “Reer Muqdisho” macnaheedu waa Hawiye. Taa waxaa dheer dilka joogtada ah iyo gummaadka lagu hayo xildhibaannada iyo hawl wadeennada dawladda oo aan Hawiye aheyn iyo guryaha iyo deegaannada dadkii lahaa weli loo diiddanyahy in ay ku soo noqdaan. Taas waxay ku tusineysaa in Xamar aan loo rabin cid aan aheyn Hawiye. Meel sidaa ahi, waa hubaal, marna Soomaali casimaadeed inayan u noqondoonin.

Sidoo kale, Garowe oo ah caasimadda Puntland, awoodda iyo agabkuba waxaa ay ku urursanyihiin magaaladaasi. Waxaa lagu qasbay heyadihii Puntland ka jiray in ay isugu yimaadaan Garowe. Taa waxaa ay keentay in shaqaalaha heyadaha iyo dawladuba hal reer u bataan.

lamaha dawladda

Maxaa Xal ah?

Waddamada kala qeybsanaanta badan ka jirta sida Soomaaliya, arrinta caasimadda waxaa la siiyaa fakar dheer, sida Pakistan ama Koonfur Afrika.
Koonfur Afrika awoodda dawladda waxaa loo qeybiyey sedex magaalo; Sharci-dejinta waxaa leh Cape Town, Fulinta waxaa deegaan u ah Pretoria, gaarsoorkuna waa Bloemfontein.
Maxaa inoo diiday in laamaha dawladda federaalka loo qeybiyo degmooyinka Soomaaliya?
Sidoo kale, Puntland waa in ay qeybisaa laamaha awoodda dawladda, oo lakala geeyaa magoolooyinka kale.
W/Q: Cismaan Cumar
Email: cismaancumar@gmail