Colaadi Xal Maaha

Filed under: Articles,Wararka |

Yaasiin VII

Colaadi Xal Maaha

“Arrin kastoo murugsan muftaaxeedaa la heli karaa” [Every problem has a known solution]

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu lumiyey fursadda xal-u-raadinta muranka gantaallada u dhexeeya waddankiisa iyo dalka Kuuriyada Waqooyi. Waxaa reebban in xabbad wax lagu xalliyo. Taa beddelkeeda waxaa habboon in miis la wada fadhiisto oo la wada xaajoodo. Arrinta kastoo murugsan wada hadal lagu dhammeeyo. In labada dhinac isu tanaasulaan weeye, dabadeedna xal laga wada raalli yahay la gaadho.

Dhibaatada Kuuriyada Waqooyi waxaa xalkeeda fure u ah Shiinaha. Waayo waa waddan weyn oo la deris ah. Waxaa intaa sii dheer oo iyana muhiim ah in Kuuriyada Waqooyi 80% xirriir ganacsi Shiinaha la leedahay. Dakhliga dawladdu hesho badi wuxuu ku xiranyahay ganacsiga Shiinaha. Sidaas darteed, Shiinuhu saameeyn weyn buu ku yeelan karaa xalka si loo soo af-jaro xasaradda gantaallada Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ka dhex oogan.

Hadallada qallafsan ee Maraykanka ka soo yeedhey ayaa ahaa sidan: “Maraykanka haddaan nahay waxaa naga dhammaanaya dulqaadkii.” Waxaan meesha laga saari karin dagaal ka dhex qarxa labada Kuuriya (Kuuriyada Koofureed iyo Waqooyi). Taasi waxay hoog iyo halaag u keeni kartaa maalaayiin shacab ah ee gobolka Bariga Aasiya ku dhaqan iyo waxay dhaawacaysa dhaqaalaha adduunka ee isku xiran. Hadda waqti uun baa ka xiga inta Kuuriyada Waqooyi ka sameeysaneeyso gantaallada riddada dheer ee gaari kara dhul weynaha Maraykanka.

Cunaqabateeyntii QM ee Koofur Afrika, nidaamkii ka jirey ee midabtakoorka ku dhisnaa la saaray mira dhal bay noqotay. Laakiin cunaqabateeynta caalami ee la saaray waxba ka tari mayso xukuumadda Madaxweyne Kim ee xoogga badan, keliya shacabka ayay wax yeeshay, kuwaas oo hadda adduunku khasab ku noqotay in gargaar bani’aadannimo la gaaraan, maadaama shacabkii macaluul u dhimanayaan. Waqooyiga Kuuriya waxaa difaacaya oo garab u ah Shiinaha oo dano istiraatiji ka leh. Haddaba sidee shiinuhu saaxiibkiis uga joojin karaa barnaamijka sameeysiga gantaallada riddida dheer? Mudane Kim wuxuu u baahanyahay in la siiyo damaanadqaad ballaaran oo la isku halayn karo xilliga fog oo haddii uu joojiyo barnaamijka sameeysiga kantaallada riddida dheer in markaas awoodaha shisheeye (reer galbeedka) in xukunkiisa boqortooyada uu awowgiis ka dhaxlay ka nabad galeeyso. Laakiin su’aashu waxa weeye ma la aammini karaa reer galbeedka?

Kornayl Qaddaafi, Hoggaamiyihii Liibiya ee caanka ahaa, waa isagii ka noqday oo joojiyay barnaamijkii qarsoodiga ahaa nukliyeerka ku sameeysanayay dalkiisu sannadkii 2003dii. Tillaabadaas ammaan iyo bogaadin caalami ah buu ku heley oo lagu tilmaamay mid garasho fog. Kaddib waxaa xigey in kooxo kala duwan mucaarad Liibiyaan ah oo taageero ka helaya waddammo shisheeye ahi xukunkii ka tuureen isagiina la dilay sannaddii 2011kii, Liibiyana ku dambeeysey si la mid ah sida Soomaaliya noqotay.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

05.12.2017