C/SAMAAD GALLAN WA KUMA (Warbixin cadaynaysa xiriirka uu lalahaa ururka Alshabaab markii uu Ugandha deganaa)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

C/SAMAAD GALLAN WA KUMA
Ninka fidnada bari isu qawiyay oo lagu magacaabo C/samad Gallan wuxu hore u joogi jiray dalka Uganda. Halkaas wuxuu ku lahaa Kaalin shidaal (petrol station) oo ugu ooli jirtay magalada Mbarara, galbeedka Uganda.

Markii madaxweyne Faroole u magacabay gudoomiyaha gobolka bari wuu kireystay kaalintiisii. Kadibse markii dhawaan madaxweyne C/weli Gas xilkii ka bedelay ayuu gebigeediiba soo gatay, si uu lacagtaas ugu fund gareeyo fidnadan uu hada lugaha kula jiro.

Xogtaas iyo gacan saar la wariyay inuu Gallan la leeyahay ururka Damjadiid ee sida dadban u haga siyaasadaha madaxweynaha federalka Xasan Sheekh ku hagardaamaynayo ummada soomaliyeed ka sokow, dadka soomaliyeed ee ku nool wadanka Uganda waxay kaloo ka dheregsan yihiin in Gallan hada kahor lagu eedeeyay argagixisonimo dalka Uganda.

Waxay ahayd maalma kadib, qaraxyadii Kampla oo ay Alshabaab ku laayeen in ka badan 70 qof oo daawanasay cayaaraha kubadda cagta ee koobka adduunka markii eedaysane Gallan jidka laga qabtay isagoo gaarigiisa ku watay lacag boqolaal malyan gaarasa oo cash ah.
Kadibna waxa lagu hubsaday xabsiga gaarka u ah argagixisada iyadoo lala xariiriyay inuu kamid yahay raggii maalgeliyay kooxdii argagixisada ahayd ee soo weerartay Uganda.

Intaa kadib, ma cada sidii uu markii dambe ugaso baxay xabssigii ayna ugu suura gashay inuu ganacsigiisii halkii kasii wato. Sidoo kalena lama hubo in usoo wareegidiisii Puntland iyo gobolka bari ee uu kasoo jeedo ay ahayd qorshe uu ugu gogoldhiganayey inuu hawlihiisa argagixisonimo u wareejiyo degaankiisa isagoo dugsanaya wada shaqayna la yeelanaya Alshabaabka buuraha galgala.

Hase yeeshee kolley intuu ku magacawnaa gobolka waxa dardar cusub laga dareemayey hawlgallada ay kooxda Alshabaab ka wadeen gobolka bari. Hadda oo uu usoo banbaxy carqaladaynta ammaanka iyo horumarka degaankiisana far ayaa ku godan hadafka iyo ujeedada ka dambaysa dhaqdhaqaaqiisa.

Sidaa darteed, waxan ku baraarujinaynaa dawlada iyo shacabka Puntlandba inaysan isku tuhumaysan fidnada argagixisadu kusoo dhextuurtay. Balse ay sidii dhaqanka u ahayd meel uga soo wada jeestaan iskana kaashadaan, sidii loo fashilin lahaa cid kasta oo isku dayda khalkhalinta xasiloonidooda.

Waxan kaloo hay’adaha ammaanka Puntland ee wadashaqaynta amni la leh dawladaha gobolka iyo kuwa caalamkaba kula talinaynaa inay xog buuxda oo ku saabsan hogaamiye kooxeedkan ka codsadan dhigooda dalalkaas, gaar ahaan Uganda iyagoo tixraacaya xarigiisa an kor kuso xusnay.

Saxardiid Kilwe
ssaxardiid@gmail.com