Culusow Dalkii Soomaaliya Waa burburiyay, Wixii habar Illaa Dubai Baradhada Ku Iibinaysay Buu Soo Uruursaday Oo Xildhibaano Ka Dhigtay Bal Cidda Ugu Liitada Marka Dalku Burburo Aan Arragno

Filed under: Wararka |

Hadaad live u daawanaysay Doorashadii dadka uu culusow Xildhibaanada ka dhigtay si ay ugu codeeyaan ayaa garanaysaa in uu soo uruursaday intii Illaa suuuqyada Dubai illaa Bakaaraha baradhada ku iibinayay oo aan waxbaba ka garan karin micnaha Xildhibaan.

Laakiin Culusow iyo inta la caqliga ah wax badan bay juhdi galliyeen in ay dalkan mustaqbalkiisa burburiyaan, waxaanan la soconay in ay Boqolaal kun oo dollar ku dhiibayeen in aannu xildhibaan noqon ruux kasta oo ay ku tuhmaan wadaniyad.

Bal cidda uga daciifsan Culusow iyo inta la ayniga ah marka dalkaan burburo aan arragno

7 Responses to Culusow Dalkii Soomaaliya Waa burburiyay, Wixii habar Illaa Dubai Baradhada Ku Iibinaysay Buu Soo Uruursaday Oo Xildhibaano Ka Dhigtay Bal Cidda Ugu Liitada Marka Dalku Burburo Aan Arragno

  1. Pingback: Culusow Dalkii Soomaaliya Waa burburiyay, Wixii habar Illaa Dubai Baradhada Ku Iibinaysay Buu Soo Uruursaday Oo Xildhibaano Ka Dhigtay Bal Cidda Ugu Liitada Marka Dalku Burburo Aan Arragno - Daily Somalia Report

  2. Culusow waa cudur dilaa ah waa kansar, daawadiisuna waa in la gooya haddii kale dalkaa u go’aya, Culusow & Shaydaanku waa isku mid,war
    ma idinkoo arkaya oo garanaya baa Shaydaan dooranaysaan,sow ma aydaan
    ogidin inuu qofkii raaca ehelu Naar yahay,war Ilaahay ka baqa oo Shayddaanka iska diida.

    qoonkaan inkaarane, u afduubantahay Xamar,
    hadiiyaad Islaam iyo isirkeenna moodeen,
    maahee waa Uraagiyo, Oromiyo Ajuuraan
    Abbasiini tuugoo, Amxaar uu abti u yaho,
    ka farcamay Israa-iil, eey koor leh weeyo,
    ummaddeenna maahee, a ku aayo seegina#

    Sir Galow Fiin
    January 11, 2017 at 11:28 am
    Reply

  3. Lacag iyo xoog inta tirayadu tahay hala isugu geeyo sidii itoobiya dagaal uga dhici lahas. I dont see any other choice. Nin aan shantaada kaa reebin sharci kaama reebo.

    Shirwac
    January 11, 2017 at 2:17 pm
    Reply

  4. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud hada siyaasada idin kaga guuleestay ma aha in carootan. Shan sana kadib ayaa helaysaan fursad kale in sugtaano wanaagsan.

    iyoobiya ma ka qeeb qaadan doorashada dadka beento ka dhaafa. xildhibaan qura madaxweyna Xassan Sheekh keenay barlamaanka ma leh. Si caadi leh aw tartama cabaadka leh ninaa dhaafa.

    Toxow
    January 11, 2017 at 5:29 pm
    Reply

  5. Gaalo raac
    Maxaad lahabaaramaysaa sida islaan
    Doqowday halkani waa africa xoog&xoolo ayaa la isu sheeganaa adiga inaad xasan cayso faroolena&
    Gaasna baryo lahoos fadhiyaan waa ceeb

    cubeyd
    January 11, 2017 at 9:09 pm
    Reply

  6. horaa waxaa loo yiro (Ar Daarood dulmi hadii la dilana cuqubi) war maxaa dhib ah oo idin heysta hadii Hasan Sh. uu mar labaad guuleysto waxaad leedihiin laba maamul goboleed oo mid aad kaligiin u tashataan ka kalena aad Somali mixed ah madaxweyne uga noqoteen/ma waxaad ka xun tihiin in dowladda dhexe ay xoogeysato oo caasimadda Muqdishana ay xasisho sumcadeediina ay soo ceshato hadii aad dowladda dhexe ka tihiin Prime Minister iyo wasiiro/gudoomiyaha bangiga dhexe/saraakiil ciidan iyo MPs oo Xamar idiin jooga tiina aad u madaxbanaantihiin oo wixii Xamar ay hesho aad qeybta ugu badan leedihiin/waaa maxay waxa idinku kalifi kara in aad habaartantaan markaa waxa aad dooneeysaan waa garaneynaa mana heleysaan/ 1991 ayaa la idiin diiday mar dambane ma soo noqoneysee dadkiina wax la qabsada ilaaheyna abaarta ha idinka saaro

    Taakoow
    January 12, 2017 at 5:49 am
    Reply

  7. Taakow Horta kala saar Qormada P/O iyo fikradaha akhristayaasha.

    -Waxaa laga hadlayaa mustaqbal fog ee lagama hadlaya waxa adiga kuu muuqda iyo xariiftanka beelaha dhexdooda.

    Culusow sharciyadii dalka ayuu burbiriyay iyo mustaqbalkii umadan.
    -halka ay umaddaan ka burburtay waa illaalinta nidaamka dawladeed iyo saraynta sharciga, wuxuuna burburiyay waa taas, taas hadday burburto in dib loo saxaa waa muddo dheer, oo horay Siyaad Barre ayaa u burburiyay.

    Wuxuu soo uruursaday dad aan aqoon u lahayn Gole sharci dajin si uu inta jeebka ugu buuxiyo ay u doortaan, laakiin talada kuma darsan mustaqbal fag iyo in uu burburinayo umad dhan qarankood iyo dalkood.

    Waa ay jirtaa dunidoo dhan gaar ahaan africa in dad gooniya ama beel ay boobaan wixii umadda ka dhexeeyay, mana ahan in cidna lagu taageero arrinkaas xaaraanta iyo xaqdarada ah walaa daarood walaa Hawiye walaa cid kale, oo dadka waa in loo kala sheego waxa ay goonida u leeyihiin iyo waxa umadda ka dhexeeya, sida kaliya ee loo illaalin karro waa saraynta sharciga oo la dhawro iyo dadkii aqoontooda lahaa oo loo xilsaaro

    dusha
    January 12, 2017 at 5:59 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *