Cumar C/rashiid oo tacsi u diray qoyska reer Cabdiraxman Faroole iyo shacabka reer Puntland

Filed under: Wararka |

Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid xaaskii Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole Marxuumad Aamino Abiib oo Maanta ku geeriyootay magaalada Garoowe ee Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray guud ahaan qoyskii,ehelkii iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumad Aamino Abiib iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo reer Puntland, wuxuna si gaar ah Tacsi ugu diray Madaxweynihii hore ee Puntland C/rixmaan Faroole.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhammaan Ehelkii ay ka baxday marwo Aamino Abiib, waxaana Eebe uga baryayaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo Marxuumad si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa Qoyska reer C/raxmaan Faroole iyo reer Abiib geerida naxdinta leh ee ku timid Marwo Aamino”

One Response to Cumar C/rashiid oo tacsi u diray qoyska reer Cabdiraxman Faroole iyo shacabka reer Puntland

  1. Pingback: Ruksis780