Cunsuriyiin Swidsh Ah Oo laba Wiil Oo Walaalo ah OO Soomaaliya Ku Dilay baarka Rinkeby/Stockholm

Filed under: Wararka |

Dhalinyaro ka tirsan ururada ajaanibta neceb ee Sweden oo lagu qiyaaso illaa dhawr iyo labaataneeto ayaa xalay baarka Rinkeby/Stockholm waxay ku weerareen Soomaali ka shaahaynaysay waxaana ku dhintay laba wiil oo walaalo ah iyo nin kale oo dhaawacmay

Xaafadda Rinkeby ayaa waxaa baryahaan danbe u badan dadka Soomaalida iyo ajaanib ganacsato u badan, waxaana xaafaddaas gabi ahaanba isaga guuray dadka asalkoodu swidishka kasoo jeedo intooda badnayd iyadoo hadda lagu yaqaan xaafaddaas Rinkeby xaafaad Soomaaliyeed.

Hadaba dhacdada noocana ayaa noqonaysa midii ugu horeysay ee nooceeda ah.
Waxaana baryahaan dalalka reer galbeedka kusoo badana siyaasiyiin aad uga sheekeeya qaladaadka Soomaalida iyo ajaanibta iyo mashaqaystanimada iyo wax allaale wixii ku saabsan ceebaha soomaalida, waxaana isa soo taraya shacabka uu kusoo badanayo nacaybka Soomaalida

rinkeby

2 Responses to Cunsuriyiin Swidsh Ah Oo laba Wiil Oo Walaalo ah OO Soomaaliya Ku Dilay baarka Rinkeby/Stockholm