Daacadi Ma Hungowdo [Sheeko Gaaban]

Filed under: Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

alto

Daacadi Ma Hungowdo [Sheeko Gaaban]

Waa baa Hal (Maandeeq) waxaa wada lahaa; Aar (Libaax), Mas, Mus, Dab, Daad, Xeelad (Xirrib), iyo Daacad. Hashii waxay wada dhaqdaanba, muddo dabadeed, Xeeladdii baa, sida caadadaba u ah oo lagu yaqaan, dhagar iyo mardabo la soo dhigatay. Waxay ku fekertey, iyadoo intii kale oo Hasha kula shuraakada ahaa oo joogoo nool, inay dhaafiso oo iyadu keligeed xalaaleeysato oo dhaqato. Sidoo kale, waxay ku tashatay sidii mid-mid uga takhalusi lahayd oo ay qudha u dheereeyn lahayd.

Wax la joogaba, ayaantii dambe bay billoowday sheekadeedii lagu yiqiin oo ku soo horraysayoo u timid Mas, kolkiibana hallaasi iyo haasaawe u saartay.

Wacanow, i dhegeyso!” Xeelad baa tidhi, ”Waynnaga dad isugu dhow oo habeennada kala tirsanna oo xigaalka isu ah. Ma waadan xusuusnayn sebenkii Haro Digeed labadeenna reer wada degganaayeen, abaaraha iyo colaadaha Saatirkeen nagu sooyaanshay, sidaannu isu garabsannay ee Reer Qansax iyo Qurac diggaandigaha uga dhignay oo giddi rubadaha u jarnay? Durriyaddii Reer Dhafaruur haddaan nahay, tiiyoo kale ayaa maanta ina soo foodsaartay oo firfircooni u baahan. Waa talo adag. Sidaynnu uga bixi lahayn falkeed galno weeye.”

Kuye Mas, ”Hoos u daadag! Maxaad uga golleedahay?”

Kute Xirrib, ”Muraadkayga waaban kuu marin.” Inta ay goonyaha dhugatay ayay ku soo jeedsatay Maskii oo dhankiisii u soo kuurkuursatay. ”Murti hore ayaa tidhi, ‘Biyo inteeyan ku soo gaadhin ayaa layska moosaa’. Sidaad la socotidba, ninkan Libaax ah intayada kale ka xoog badan. Waxaan la sii dhakafaarsanahay dibirrootiga ina heli doona, haddaynnaan ka sii gaashaaman oo ka tabaabushaysan. Galab galbaha ka mid ah buu innaga dareerin doonaa Hashii aan ku soo tiir iyo tacab beelley, wada lahayn dhammaantayo, isagoo awood iyo itaal inoo sheegan doona. Idilkeen mustaqbalka qudha ayuu innaga jari doonaa. Wadnaha ayaan farta ku hayaa, anigoo ka baqdin qaba in ´lama arag iyo lama maqal` nagu dhacdo.”

Maxaa talo ah?” buu yidhi Maskii, ”Sidaynnu isaga qabannaa hororkan intay goori goor tahay?”

Xeeladdii baa ogaatay in casharkii ay looxa ku daabacday uu soconayo. In Maskii si wanaagsan ugu jajaban yahay, suntay kabbisay hab wacan u seexinayso, hawsha loo dirana ka soo baxayo. Xirrib waxay isu muujisey sidii ruux fekeraya. Hayeeshee, shirqoolkeedu hore ayuu ugu qorsheeysnaa. ”Waxay iigu muuqataa, talaba goorteede, haddaan wax isu eeg-eegey oo isu geegeeyey in lixdayadu (Xeelad, Mas, Mus, Dab, Daad, iyo Daacad), adigu noogu faro dhuudhuuban tahay. Aarku, illayn waa ninkaa naflayda ugu xoog badane, tab mooyee si kale looma dili karo. Tusaale, hadday dhacdo inaannu fool-ka-fool u weerarno, ma dhici kadho inaannu waxyeeleeynno. Haddaba, maandhow, waxaad yeeshaa: adigaa Mas gibin ah, intaad miscilisha u gasho kolkuu caawa soo hoydo, qallac ka sii! Dabadeed, waxaad u tagtaa Mus, isaga ayaa ku qarin oo ku badbaadin doonee.”

Maskii ka oggolaa ujeeddadii Xeelad. Hawshiisii ayuu habeenkii ku dhaqaaqay, isagoo sankunneefle kale kala tashan. Fushay hawlgalkiisii. Aarku, xanuunkiisii ma qarsan. Intay naftu ka sii socotay, inkastoo qabweyni lagu yiqiin, misana daminwaa taahii geerida. Geyigii baa isla daryaamay. Libaaxii loogu xiir. Maskii, waa ninkaa dhiigga qaba’e, Muskii buu magangelyo weyddiistey teer iyo inta xaaladdu dhan u dhacayso.

Xirribtii way dabbaaldegtey. Khiddaddeedii ogaatay inay fushay. Hawlse fari kama qodna. Durbadiiba, waxay u timid Dab.

Waryaa!”

Hee, maxaa darnaa?” buu weyddiiyey.

War, Maskan boqorkii duurjoogta diley waxba innaga reebi maayee, berri buu na wada laynayaaye, maxaynnu ka yeellaa?” ayay su’aashay.

Suuye Dab, ”Maxaynnu sameeynnaa?”

Kun ficii la cadaabkan, adigaa dab ahe, ku gub duurka!” bay Xeelad ku jawaabcelisay.

Oo Mus ayaynnu waayaynnaaye!” si ashaqaraar leh Dab u yidhi.

Seyte Xirrib, ”Is raaci kurtigood! Mus waayi maynno. Tab kale ma jirto.”

Taladii, Dab, qaaday oo fuli waajibkii ku beegnaa.

War Daadow, Dabka innaga bakhtii! Muskii, dhulkii, dhirtii, cawskii, iyo saaxiibbadeen oo dhan, waa kuwaa oo ma hayno’e; Dabkii waa isagaa aan waxba inaga reebinnin,” Xeelad ayaa tidhi.

Daadkii baa durduro isku qaaday oo is qaddimay. Goortay isku go’een oo isku basbbeeleen Daad iyo Dab, waxaa isu soo hadhay Xeelad iyo Daacad. Waxay wada kaxeeysteen oo la fuuleen Maandeeq karin dhakadeed.

Xirrib qorshaheedii ka takhaluska ahaa hirgelintiisii, kama dambeeyntii, waxaa uga hadhsan xakabad qudha; Daacad siday kaga guulaysan lahayd. Xeelad meelo badan bay wax iska tusaalaysay. Khariidad bay billoowday inay jeexato, bal sida ugu fudud, dhibka yar oo ugu waqtiga gaaban.

Naa Daacad, ina keen oo Maandeeq soo lisannee!” Gabaggebada guusha shax-cayaarteeda ayaa Xirrib u soo muuqatay.

Dhankii Hasha ayaa la wada aaday, iyagoo wata gaawahoodii. Kolkay Xeelad u yeeryeedhey, bay Maandeeq xaggoodii u soo socotay oo soo reentayoo lugaha sintey. Goonyahay ka galeen, sacabbadii bay ku salaaxeen. Hashii baa sarraxa taagtay oo godol keentey. Ka dibna waa laballiseen oo maaleen. Hadhuubgaalkii ayaa afka la keeney.

Xirribtii baa xoor marisay sibirta Hasha oo tidhi: ”Daacadeey, car haddaad geesi tahay oo hooyadaa dhammays kugu dhashay, xoorka Maandeeq sibirta ka saaran, leef!”

Daacad ayaa garatay ujeeddada dabinqoolka Xeelad. ”Naa, anigu belo cagahayga ku doonan maayo.”

Xirribtii baa iska dhaadhicisay oo is tidhi, nacastan dhiirrigeli, Maandeeqna iska ilaali oo yeeyan ku harraatiyin. “Eeg imminka, aniga ayaa leefaya. Doqonyahay, Hashu, maxay ku yeeli kadhaa? Sow innagii goor dhoweeyto maalannay, maaha?” Xeelad ayaa weyddiisey oo misana u dhaqaaqday dhankii Hasha oo is tidhi, ”leef!”

Maandeeq ayaa intay harraati qaadatay Xeelad beerka kala goysay, halkaasna ku aakhiraysatay.

Ugu dambeeyntii, Maandeeq waxay u hadhay oo xalaashaday Daacad. Maanshe la yidhi, ”Daacadi ma hungowdo.”

Maxamed Xasan ”Alto”

Helsinki, Finland, 02.11.1996.

xasan_maxamed@hotmail.com

 

4 Responses to Daacadi Ma Hungowdo [Sheeko Gaaban]

  1. Pingback: Daacadi Ma Hungowdo [Sheeko Gaaban] - Daily Somalia Report