Akhri oo dhagayso: daauud cali Masxaf: Naftaad Qancisaa Ku Jecel (Heesta maanta Puntlandobserver idiin soo xushay)

Filed under: Wararka |

Naftaad Qancisaa Ku Jecel


Marwooy, qaabkiyo hannaankiyo
Muuqiyo xubnahaada qoran iyo
Dhexdiyo labadaada qaarood!

Cabbaaryaha qoorta dheer
Anaa kugu raacay quruxdoo
Naftaad qancisaa ku jecel.

Adaa ila qiimo weyn
Xurmiyo iga mudan qaddarinoo,
Yasmiineey!

Siduu qalbigayga u hantiyey
Hadduu qalanjooy cishqigu uu,
Maankaaga qummaati uga degey.

Anaan qaxar iyo dhib iyo
Lur iyo kuu quurin hadimoo,
Naftaad qancisaa ku jecel.

Adaa ila qiimo weyn
Xurmiyo iga mudan qaddarinoo,
Yasmiineey!

Hoobaalayow hoobee hobaaloow,
Hoobalow hoobee hobaaloow!

Luuqda, Laxanka & Garaacidda Cuudka: Daa’uud Cali Masxaf
Loox-ereyga: Xasan Dhuxul ‘Laab-salaax’
2013
M