Daawo C/Salaan Wiil Reer Burco Ah Oo Aad Uga Sheekaynaya Sidii Soomaali U Midoobi Lahayd

Filed under: Important News,Wararka |

Unity is Power

Horumarka laguu sheegayo waa midnimo, waxaan aad ugu bogaadinaynaa tilaabada geesinimadaa ee uu qaatay Cabdisalaan, oo runtii qaatay tilaabadii saxsanayd.

Hadda ka hor ayaan ku daabacnay P/O mar uu Prof Axmed Ismaciil Samatar Jaamacadda Stockholm ku taal la waydiiyay su’aal sababta ay Somaliland uga go’ayso Soomaaliya.

Prof Samatar ayaa yiri cadaalad daro tarteed iyo dimoqraadiyad la aan.
Waxaa lawgu jawaabay taasi waxay ka dhigan tahay haddii reer Maalmo cadaalad daro lagu sameeyo in ay Sweden ka go’ayaan waana qalad, waayo waxay ahayd in ay reer maalmo (Magaalo sweden ka mid ah) hormuud ka noqdaan kacdoon cadaalad darada lagula dagaalamayo ee ma ahan in ay dalkii dhibaato kale u horseedaan oo tii hore kasii liidata kana dhib badan.

Haddii ay dadka aad ka go’aysaa aad kala diin tihiin, ama kala qawmiyad, kala luuqad, arrimo noocaasa markaas waa macquul.
Hase yeeshee Somaliland arrimo farabadan ayaan u suurtogalinayn in ay soomaaliya ka go’aan waayo shuruudaha adag ee dunidu dhigatay ayaynan ku jirin dad isku luuqada in ay kala go’a karaan.

Waxaana kaba sii daran dad walaalahaaya oo dhul ballaaran oo qaniya degan oo aad heli karto in aad maalinba dhan u dal xiisto adoo dhex mushaaxaya dad walaalahaaya oo aad isku luuqad tihiin, in aad isku soo xirto dhul baaxad yar.

3 Responses to Daawo C/Salaan Wiil Reer Burco Ah Oo Aad Uga Sheekaynaya Sidii Soomaali U Midoobi Lahayd