Daawo dood durba mucaaradad Xukuumadda Gaas (Maqaal kooban maxaa sababa mucaaradada Soomaalida)

Filed under: Wararka |

Hadaad u fiirsatid caadada iyo qaab dhaqanka shacabka Soomaalida, waa mid aad u mustaqbal hooseeya.
Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqamo aan aduunka lagala wadaagin, waxaana ka mid ah, in ay inta badan dariiqyada dhoobtaan oo madaxda soo dhaweeyaan, waxay dhaqan u leeyihiin in wax walba in ay dusha ka saaraan ruuxa madaxda noqda, waxay dhaqan Soomaalidu u leeyihiin in ay waxwalba ka filaan in uu u qabanayo ruuxa ay madaxda ay ka dhigtaan.

Markasta waxaad arkaysaa iyagoo Madaxwaynaha sidii Nabigii u soo dhawaynaya, taasi jacayl kama ah ee ninwalbaa wuxuu doonayaa in uu Madaxwaynuhu siiyo xaq aannu lahayn.

Dhaqanka noocaas ah aduunka kale kama jiro.

Aduunka kale shacabka iyagaa dalkooda illaashada, Madaxda ay doortaan waa ay la xisaabtamaan laakiin nacamlaynta kuma badiyaan.

Shacabka dunida waxay ku mitidaan in ay Dastuurka dalka wax walba ka hormariyaan, ruuxa ay Madaxwaynaha ka dhigtaan waxay ku illaashaan in uu qabto shaqada uu dastuurku u igmaday wax saa’id ku ah, haddii uu Madaxwaynuhu wixii dastuurka ka baxsan uu u tilaabo waa ay ka banaanbaxaan oo ka dhiidhiyaan.

Soomaalidu waxay u dhaxeeyaan mar ay ruuxii ay Madaxwaynaha ka dhigteen aad uga badbadiyaan oo waxwalba ka sugaan, iyo in Qoladii Qawada Madaxwaynaha oo Madaxwaynaha waxay ka doonayeen ka waaya ay mucaaradaan.

Halkaasna waxay Soomaalidu ku waayaan wixii danta guud la xiriiray, waxaana hardankaas meesha uga baxa in dalka Nidam Dastuuriya uu ka hirgalo

Dhaqanka noocana ee Soomaalidu caadaysatay inta uu jiro, haka sugin in ay Soomaaliya hagaagto.

Hagaamiye kooxeed waa ayo???.
Hogaamiye kooxeedku waa shacabka oo doortay koodiii ugu laacibsanaa, marka waligaa shacab iyo Hogaamiye kooxeedkooda ay doorteen hakala saarin.

Shacabka wanaagsan Hogaamiye wanaagsan bay si daacada isaga soo xulaan, kuna illaashaan in uu si daacada ugu adeeggo, marka Hogaamiyaha xitaa wanaagsan marka uu Soomaaliya madax ka noqdo, shacabkii xumaa ayaa ka badalaya wadadii wanaagsanayd oo ku khasbaya wadadooda xun in uu raaco