Daawo Golahii Deegaanka ee Degmada Burco Oo Qabyaalad Awgeed Laba Maayer kala Doortay (Ninkii Qabyaalad danmooday Miraheedu waxaasay dhalaan)

Filed under: Important News,Wararka |

Horey baan maqaal ugu baahinay Puntlandobserver Qabyaaladdu waa cudur ka xun midka kansarka, dadkaaga aad jeceshahay laguma beero Qabyaalkad, waxayna ka dhigantahay adigoo Virus ama cudur la isqaadsiiyo dadkaaga qaadsiiyay.

Qabyaaladdu maadaama ay Virus tahay ma ahan wax xad leh, oo meeshay gasho illaa taxday socotaa.
Ninka uu ku dhaco cudurka Qabyaaladdu meel kuma ekaado, illaa uu bah bah u kala didiyo qaar aabbe wada dhalay, ama qaar ay hooyo wada dhashay.
Ninka uu hayo cudurka qabyaaladda waxaa lagu gartaa waa in uu isku soo reebo inta ay 3da oday kala tirsadaan, haddii uunan dhaqankaas lahayn ma ahan nin qabiiliya.

Magaalada Burco ayaa waxaa wada dega beelaha habaryoonis iyo Habarajeclo, oo daanta waqooyi waxaa dega beesha habaryoonis halka daanta bari ay degaan beesha habarjeclo.

Maayarkii hore ayaa kasoo jeeda beesha habarjeclo oo ay Madaxwaynaha iyo wasiirka howlaha guud Cali mareexaan kasoo jeedaan.

Halka wasiirka arrimaha gudagaha Warancade uu kasoo jeedo beesha habaryoonis oo ah beesha cabanaysa oo hadda maayarka cusub dooratay.


One Response to Daawo Golahii Deegaanka ee Degmada Burco Oo Qabyaalad Awgeed Laba Maayer kala Doortay (Ninkii Qabyaalad danmooday Miraheedu waxaasay dhalaan)

  1. Pingback: Daawo Golahii Deegaanka ee Degmada Burco Oo Qabyaalad Awgeed Laba Maayer kala Doortay (Ninkii Qabyaalad danmooday Miraheedu waxaasay dhalaan) - Daily Somalia Report