Daawo Hillary Clinton Oo Ku Durdurisay Trump (Qormo koobban)

Filed under: Important News,Wararka |

Dooddii cuslayd ee dhexmartay labada Musharax ee kala matala labada xisbi ee Reb & Dem ayaa ahayd mid culus, waxaana Guushii raacday Hillary Clinton.

Hillary Clinton waa looyarad siyaasadda intii nolosheeda ahayd kusoo dhexjirtay, halka uu Trump ahaa ganacsade aan aad uga warhayn cilmiga shuruucda iyo siyaasadda marka laga reebbo erayada fadhi kudirirka iyo caadifadda iyo mala-awaal aan cilmi iyo khibrad ku dhisnayn ee malo-awaal u badan.

Taasi oo Clinton u sahashay in ay ku durduriso Trump oo aan 10% lahayn cilmiga looyarnimada iyo siyaasadda, waxaanad arkaysaa Trump oo markasta ku boodaya dacaayad halka ay Clinton arrinka laga hadlayo xalkiisa kusoo koobayso doodeeda iyo waliba Clinton oo ku doodaysa in Hantilayda uu Trump ka midyahay lacag laga jaro oo dadka masaakiintaa wax la gaarsiiyo, halka uu Trump ku doodayo taajiriinta canshuurta halaga jaro si ay shaqo u abuuraan.

Waxaana habboon in Madaxwayne Culusow iyo Musharaxiinta la tartamaya sidaas oo kale fool ka fool la isku soo hor fariisiyo oo Madaxwayne Xasan Shiikh la waydiiyo inta uu lacag ku iibsado halkii xildhibaan.

One Response to Daawo Hillary Clinton Oo Ku Durdurisay Trump (Qormo koobban)

  1. Pingback: Daawo Hillary Clinton Oo Ku Durdurisay Trump (Qormo koobban) - Daily Somalia Report