Daawo Mapka Meesha Ay Isku Horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland

Filed under: Important News,Wararka |

dhahar

Degmada Dhahar ayaa waxay ku taalaa bartamaha deegaanada beelaha Hartiga waxayna u jirtaa xuduuddii Gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska 10 kilomitir xuduuddii ay samaysteen ee kala qaybinayay labada Gumayste.

Dhahar ayaa waxay u jirtaa Ceerigaabo 270 kilomitir, waana iska cadahay in nin qori baroona wata uunan halkaas xoog ku iman karin, balse in muddo ahba laga shaqaynayay sidii beelaha deegaanadaas dega la isaga horkeeni lahaa oo dhexdooda looga faa-iidaysan lahaa

Dhanka kalena waxay Dhahar u jirtaa magaalada Qardho wax aan ka badnayn 20 kilomitir.

Waana gardaro cad in ay beelaha Isaaq hadda ay ciidamadooda keenaan bartamaha beelaha harti iyagoo horay u burburiyay oo hor istaagay jiritaankii qaranka Soomaaliyeed, iyo iyagoo deegaanada hartiga ee Laascaanood qori caaradiis ku haystay muddo 10 sano ka badan.

Shacabka Turkiga ayaa muujiyay haddii ay shacab isku duubnaadaan in uunan Taangi waxba tarayn, waxaana looga baahanyahay shacabka beelaha hartiga in ay diidaan wixii gardaro iyo kibir ah, xaq bayna u leeyihiin in ay iska difaacaan wixii xaqdarro ku socda oo ku shaqaynaya rabitaanka gacmo shisheeye oo ay ka go’antahay in ay kala qaybiyaan Soomaalida.

2 Responses to Daawo Mapka Meesha Ay Isku Horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland

  1. Pingback: Daawo Mapka Meesha Ay Isku Horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland - Daily Somalia Report