Daawo Saraakiil Ingiriiska Ka Socda Oo Mallaayiin Dollar Maamulka Goonigoosadka Ku Caawinaya (Qoraalo aan ku cadaynay In qorshaha Kala Qaybinta Soomaaliya Uu Ingiriis kow kayahay)

Filed under: Important News,Wararka |

P/O waligiya cidna iskama eedayno waxgooniyana Ingiriis kama sheegno waayo Ingiriisku wuxuuba hayaa shacab Soomaaliya oo boqolkun gaaraya mana rabno in wax dhiba gaaro ama loo gaysto oo waa kasoo horjeednaa, Somaliland iyo shacabka kunool waa shacab Soomaaliyeed oo cid aan horumar kala jecelnahay ma jirto, hase yeeshee kooxaha siyaasiyiintaa ee xagjirkaa ama Soomaali ha ahaadeen ama Ingiriis waa in banaanka lasoo dhigo khiyaamadooda.

Hadaba waxaan horay u daabacnay qoraal aan ku cadaynayno in dhibaatada Soomaaliya ka socota ay Batrool daarantahay.
Waxaan kaloo cadaynay in markii Puntland la geeyay riigga shidaalka, 2012 uu yimid Ingiriiska wasiirka Batroolka Puntland oo uu heshiis la gallay shirkadda BP oil shirkadda shidaalka ee Uk ugu wayn, waxaana jaraa’dada Ingiriiska lagu soo qoray arrinkaas.
Waxaa xiggay in Ingiriisku xiiseeyo arrimaha Soomaaliya, in ingiriisku sameeyo Somaoil, in wakiilada Un-ta ee Soomalaaliya laga dhigo wakiilo Ingiriis kasoo jeeda, waxaa dhacday in Ingiriisku laba jibaaro taakulayntii gooni isutaagga Somaliland, taageeridda siyaasiin reer Muqdosho, in in Somaliland loosoo diro shirkadaha Ingiriiska ee Batroolka ka qoda Kurdistan, Halkaan ka eeg xogtaas Shirkadaha Shidaalka Somaliland ka baara oo noqday kuwa Kurdistan Shidaalka ka soo saara oo London Xaruntoodu tahay (Warbixin)

Qoraal isla arrinkaas ka hadlaya halkaan ka eeg.
Shirkadaha Shidaalka ee reer Galbeedka oo doonaya Batroolka Puntland(Beesha Daarood) in ay ku boobaan iyagoo soo maraya Beelaha Isaaq iyo Hawiye (Hargaysa iyo Xamar)

Hadda waxaad mooddaa in qolooyinka Muuse Biixi ay yiraahdaan Ingiriisow qudbo siyeed naguma qabtida kaamirada soo hor istaag oo gooni isutaagga toos u taageer, wixii kharashana markaad dhiibayso kaamarada ka hor akhri ha is qarine.

Hadaba Ingiriis waa in lagu dacweeyo qaramada midoobay oo loo sheego in Soomaalida masaakiintaa laga qabto, waa in xitaa dalalka kale ee caalamka iyo shacabka Ingiriiska ee nabadda jecel lagu dacweeyo, oo la yiraahdo hadaad daacad tahay midnimada Soomaaliya taageer oo markaas Somaliland taageer laakiin khiyaanada iyo divide anr rule naga daa