Daawo Sawirradda: Mudaharaadkii Gaalkacyo oo istaagay kuna soo dhamaday Siwaanagsan.

Filed under: Jubbaland,Puntland,somali news |

Gaalkacyo( puntlandobserver.com):-waxaa maanta magaalada galkacyo ka dhacay mudaharaad lagu taageerarayo baaq ka soo baxay Isimada puntland kaasi oo ahaa in 26 june ay isugu imaanayaan shir magalada qardho ee xarunta Gobalka karkaar.
dhanka kale waxaa ka soo qaybgalay mudaharaadkasi ururada bulshada waxgaradka isimada aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwanee shacabka magaalada galkacyo xarunta gobalka mudug waxaana wadoyinka waaweynee magaalda galkacyo ay ku marayeen iyaga oo ku dhawaaaqayay erayo hal ku dhogooda haa waxaa soo dhaweynayna baaqii isimada puntland .
shacabkii mudaharadayay ayaa waxaa ay iskugu soo rugmadeen barxadii hore gobalka magalada galkacyo halkasina waxaa khudbado dhaadheer ka jeediyay musuuliyiin ka soo qaybgashay mudaharadka kuwaasi oo soo dhaweyay hadalkii ka soo yeeray isimada puntland .

Dhankale  mudaharadka ayaa waxaa lagu taageerayay maamulka jubaland waxaa dowlada somaliya ka codsadeen shacabkii mudaharadaya in ay taageedho maamulka jubaland oo ayahooda ka tashaday iyo in dowlada ay faragalin maamulka jubaland kasaarto.
Ugu Danbayntii ayaa mudaharaadkaasi waxaa uu kusoo dhamaaday Guul ayadoo dadkii kasoo qaybgalayna dhamaantood ay wajiyadooda kamuuqatay faraxad.
Halkan ka Daawo Banaanbaxa.

1 2 3 4 5 6 7 8

Axmed C/Risaaq Daahir (Axmed Naaji)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>