Daawo Siyaasadda Soomaaliya Oo Lagu Sharaxay Turub (Adaa yaabi ee Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

Oday Soomaaliyeed oo Waxbadan Soomaaliya Usoo joogay ayaa xaaladda Soomaaliya shaki ka muujiyay, wuxuuna ku fasiray Turub dadka Shaqaalahaa lacagta looga furan jiray.

Turubkan ayuu odagu ku sheegay in uu ka koobanyahay 5 Xabo, Yeeke, Baashe, Raani, Qulaan, iyo 10-le.

Wuxuuna odagu sheegay nimanka dhigaya iyo kuwa u camiraya in ay Turubka yaqaanaan marka markii Turubka la dhigo ayaa wuxuu qofwalba helayaa lacagta uu dul-saarto mid u dhiganta.

Marka inta hore oo dhan si ula kac ah ayaa jaanis laguu siinayaa oo ninka camiraya ayaa matalan oranaya 200 baan dulsaartay xabadaan oo waa Yeeke, ee yaa ila dulsaartay, dabadeedna dad badan baa iyana ku raacaya.

Waxaana ay dadkaas oo dhan inta hore helayaan lacago faa-iido ah, waana inta la soo jiidanayo.

Marka ay macaansadaan ayaa hadhow si saxa loola dhigayaa, oo laga furanayaa wixii ay maanta mushaar soo qaateen, iyadoo Turubkaas lala eegan jiray maalmaha mushaarka la qaato.

Odaga ayaa xaaladda Soomaaliya ku fasiray, in ay hadda marayso xiligii la fulin lahaa danihii Sooomaaliya laga lahaa oo ay dhamaatay xiliyadii wanaagsanayaa ee la isa soo dabayay oo waxbadan la isa siinayay-

Inkasta oo uu hadana dhanka alle rajo ka muujiyay, hadana odaga ayaa shakisan.

Halkaan ka daawo hadalka odaga.

http://www.youtubecutter.com/watch/4ad49572/#disqus_thread

Ama barnaamijka oo dhamaystiran.

One Response to Daawo Siyaasadda Soomaaliya Oo Lagu Sharaxay Turub (Adaa yaabi ee Daawo)

  1. Pingback: Daawo Siyaasadda Soomaaliya Oo Lagu Sharaxay Turub (Adaa yaabi ee Daawo) - Daily Somalia Report