Daawo Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Gobalka Jubbada Dhexe Oo Ku Dhaliilay Axmed Madoobe In Uunan Daacad ka Ahayn In Alshabaab laga Xoreeyo Caasimadda Jubbaland ee Bu’aale

Filed under: Important News,Wararka |

Axmed madoobe ayaa lagu xantaa in uunan daacad ka ahayn in Gobalka Jubbada Dhexe laga xoreeyo Alshabaab-

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubada dhexe una badan beesha Cawlyahan ayaa ku dhaliilay Maaxwayne Axmed Madoobe in uunan daacad ka ahayn in la xoreeyo Gobalka Jubada Dhexe.

Dastuurka Jubaland ayaa qoraya in Caasimadda Jubbaland ay tahay Bu’aale Halka Kismaayana ka tahay caasimadda Ganacsi ee Jubbaland.

Waxaa jira dad badan oo qaba in uu Axmed Madoobe diidayo in xukuumaddu ka guurto Kismaayo.
¨
Dhanka kale ayaa waxaa jira dood kale oo oranaysa in ay siyaasiin badan iyo qaar ajnabiyaba aynan rabin in Alshabaab laga xoreeyo Jubada dhexe.

Xasan Sh ayaa lagu xamman jiray in uu hoos kala shaqaynayay in ay alshabaab sii haystaan Jubada dhexe, Gobalka Gedo uu hoos yimaado DFS.

Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in ay daacad ka tahay in Jubada dhexe Alshabaab Laga xoreeyo.

Inkastoo aad moodid in Gobalka Gedo uu wali hoos tago DFS.

Puntland ayaa Caasimadda ka dhigtay Garoowe, halka Boosaaso laga dhigay Caasimadda si bulshada Jaanisyo kala duwan la siiyo oo qalo ay ganacsiga ka faa-iidaysato, qolana ay xukuumadda ka faa-iidaysto.

One Response to Daawo Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Gobalka Jubbada Dhexe Oo Ku Dhaliilay Axmed Madoobe In Uunan Daacad ka Ahayn In Alshabaab laga Xoreeyo Caasimadda Jubbaland ee Bu’aale