Daawo video:Beelo wada dega Jubooyinka (Sade iyo Kablalax) oo ay hore xurguf u dhexmartay oo maanta heshiiyay [SAWIRRO+WARBIXIN]

Filed under: Wararka |

Beelo wada dega
Jubooyinka oo ay hore xurguf u dhexmartay oo maanta heshiiyay [SAWIRRO]

Odoyaasha beelaha Sade iyo Kablalax ayaa shir ay maanta ku
yeesheen magaalada Kismaayo waxa ay kasoo
saareen war murtiyeed ka kooban qodobo dhowr ah, iyagoo sheegay in ay ku
heshiiyeen in si wadajir ah ay uga wada shaqeeyaan nabadda islamarkaana iska
cafiyaan waxyaalihii hore u dhexmaray.

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay guddi uu ra’isul wasaaraha
Soomaaliya u xilsaaray arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa waxa
kazoo qeybgalay,
nabadoonno, siyaasiyiin, odoyaal iyo waxgarad kale, waxaana looga wadahadlay
sidii beelaha dega Jubooyinka ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabadda.

Shirka intii uu socday ayay odoyaashii soo xaadiray waxa ay
xabadka isu galiyeen mid mid, iyagoo sheegay in maanta laga bilaabo ay qaateen
nabadda islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sii nabadda ay isla qaateen ay u
gaarsiin lahaayeen guud ahaan shacabaka ku dhaqan Jubooyinka.

Ugaas Cumar Xiireey oo kamid ahaa ugaasyadii goobta ka
hadlay ayaa sheegay in maanta lasoo afjaray xurguftii u dhexeeysay beelaha
walaalaha ah ee wada dega Jubooyinka, wuxuuna xusay in ay ku heshiiyeen in la
taageero nabadda islamarkaana shacabka loogu baaqo in ay iyaguna nabadda
qaataan.

Sidoo kale dadkii goobta ka hadlay waxaa kamid ahaa Afhayeenka
beesha Sade ee Jubooyinka Nabadoon Cabdi Warsame Gurux, wuxuuna sheegay in
maanta lagu guuleystay in la dhameeyo khilaafkii u dhexeeyay beelaha
Kablalax iyo Sade, isagoo
sheegay in lagu heshiiyay in nabadda la dardargeliyo islamarkaana lasoo xareeyo
ciidamada uu hMogaamiyo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) ee ku sugan deegaanka
Goobweyn ee duleedka degmada Kismaayo.

Xildhibaan xirow oo kamid ah mudnayaasha baarlamanka
Soomaaliya oo isna goobta ka hadlay ayaa ku booriyay beelaha dega Jubooyinka
in ay taageeraan nabadda isagoo si gaar
ah ugu baaqay qurbajoogta kazoo jeeda gobollada Jubooyinka in ay ka shaqeeyso
nabadda iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa beelaha walaalaha ah ee wada dega
gobolladan.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Mudane
Max’ed Ismaaciil Shuuriye aha gudoomiyaha gudiga nabadeynta iyo dib u
heshiisiinta Jubooyinka ee uu magacaabay
R’aisul wasaaraha dalka oo gabagabadii goobta ka hadlay ayaa aqriyay
warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii maanta, oo ay ugu muhiimsanaayeen qodobada
hoos ku xusan:

In la xabada la joojiyo

In la taageero nabadda deegaanada Jubooyinka

In lasoo xareeyo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn

In wixii tabasho ah ee ay kala tabanayaan labada beelood dib
looga wada hadli doono

In beelaha kale loogu baaqo nabadda

Shirarkan ay ku wada hadlayaan beelaha wada dega Jubooyinka
ayaa la filayaa in ay sii socdaan, iyadoo shirarkani ay gogol xaar u
yihiin shirweeyne
guud oo dib u heshiisiineed oo la filayo in dhawaan uu ka furmo magaalada
Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.


OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Cabdicsiis garyaqaan Xafiiska wararka Kismaayo
Puntlandobserver.com