dadqalataadii Oo Finland/Turku 2 Qof Tooray Ku Dishay 8 Qof Tooray Ku Dhaawacday

Filed under: Important News,Wararka |

nin loo malaynayo in uu xiriir la leeyahay qolyaha dadqalatada ayaa shalay galab 4tii galabnimo caasimadda labaad ee Finland Turku magaalada bartankeeda wuxuu lasoo baxay Tooray, wuxuuna la dhacay wixii kasoo horbaxa.

Dadkii uu Toorayda la dhacay laba kamida ayaa geeriyooday oo dad waawayn ah, halka 8 qofna isbitaalka lagu dabiibayo.

Booliska ayaa markii danbe lugta ka toogtay dadqalkii, waxaana wali lagu hayaa isbitaalka.

Booliska Finland ayaa kusoo gaabshay ninka dadqalkaa in uu ajnabi ahaa balse aan sheegin dalka uu u dhashay, waxayna sheegeen in uu dhalinyaro ahaa.

Booliska ayaa sheegay in ninka dadqalkaa dadka uu Toorayda la dhacay aynan horay uga dhaxayn wax xiriira.

Booliska ayaan cadayn waxa dadqalka falka ku kalifay in lala xiriirinayo afkaarta kooxaha xagjirka, balse aan meesha ka saarin suuragalnimadeeda.

Wali Booslisku ma soo saarin akhbaar la xiriidha ninka danbiga gaystay iyo dalka uu kasoo jeedo.

Wali Xaashi oo ah Saxafi Soomaaliya Turkuna deganaa muddo 27 sano ah ayaa bbc uga sheekeeyay in uu indhihiisa ku arkay qof haweena oo tooray halbawlaha looga dhuftay oo markii danbe dhimatay, isla markaana markii falkaan uu dhacayay uu bangi ku jiray.

Shalay ayaa magaalada Turku lagu qabtay kulan ballaaray oo ay soo qaban qaabiyeen urarada Soomaalida ee Finland oo looga hadlayay shaqo la´aanta iyo waxbarasho la aanta Soomaalida.

Shaqo la aanta Soomaalida Finland ayaa cagacagaynaysa 50%, halka laga dayriyay waxbarashada caruurta.

Finland waxaa ku nooö 17 kun oo Soomaali ah.

Puntlandobserver desk

One Response to dadqalataadii Oo Finland/Turku 2 Qof Tooray Ku Dishay 8 Qof Tooray Ku Dhaawacday