Dagaal (Dabin Shirqool) Puntland Ku Wajahan Oo Afar-Geesooda Iyo Warbixin Jifida Ay Kasoo Jeedaan 4-tii Nin Ee Ayagoo Geelooda La Jooga Lagu Dilay Deegaanka Gumburka Cagaarwayne

Filed under: Important News,Wararka |

dabin spieder net
Innaa Lilaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun.
Deegaanka Gumburka Cagaarwayne ee u dhaw Magaclay, waxaa iyagoo geelooda la jooga baas lagu furay 4 nin oo kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud.
4-ta nin ayaa kala ah jifiyaha Cumar Maxamuud
2 nin oo Maxamed Cumar/Cumarmaxamuud
1 Nin Reer Mahad /Cumarmaxamuud
1 nin Cabdiciise /Cumarmaxamuud

Waxaa loo malaynayaa nimanka dilka gaystay in ay ahaayeen kooxo lacago kasoo qaatay kooxaha siyaasadaysan ee taageera Cali Khaliif, waxaana la adeegsaday dhalinyaro beesha Cali Khaliif ee bahararsame ah oo reer aadan naaleeye ah oo ciise aadana ayaa dilka loo adeegsaday.
laba sano ka hor ayaa ciise naaleeye rag laga laayay, waana laga heshiiyay qulquladaas dagaal.

Laakiin bishaan waxaa soo cusboonaaday dagaal siyaasadeed afar geesooda oo Puntland kusocda, oo meel kasta oo fidna laga abuuri karo ayaa qori dab afka ku wata la surayaa.
Dhowrkii habbeen ee lasoo dhaafay waxaa la weerararay Jeexdin oo dad lagu laayay, waxaa la weerararay Balibusle habbeen hore, shalay galab waxaa la weerararay Af urur oo waxaa lagu laayay 10 qof, 35 ruuxna waa lagu dhaawacay.
Wiiggii hore waxaa la isku dayay in dagaal laga rido Buuhoodle.

Dhammaan waxaad mooddaa in ay xiriir hoose leeyihiin kooxaha dagaaladaan iyo fidnadaan abaabulaya, waxaanad mooddaa in ay waxaan hoosta ka wataan dad dano gaara leh oo fidnawadayaala, waana dagaallo dhammaantood Puntland ku wajahan.

5 Responses to Dagaal (Dabin Shirqool) Puntland Ku Wajahan Oo Afar-Geesooda Iyo Warbixin Jifida Ay Kasoo Jeedaan 4-tii Nin Ee Ayagoo Geelooda La Jooga Lagu Dilay Deegaanka Gumburka Cagaarwayne

  1. aawey madaxdii ka mus,uul aheyt nabada puntland,,waxaa layaab dagaalada aan dhamaan iyo sida madaxda puntland baashaal ugu jirto iyo nabadii oo faraha ka baxdey,,waxaas waxaa keenay isla xisaabtay la,aan…ciidenka puntland oo la siin qalabka casiga ah sidii ey ugala dagaalami lahaayeen cadowga puntland oo aan og nahay in baden yahay oo aad moodo maalin walba arinta sii xumaaneyso,,,,aniga waxaan dhihilahaa in puntland ey doorato xukuumad cusub oo hirgaliso nabadda,,,madaxweynaha puntland cabdi wali gaas wuu ku fashilmay nabada puntland wax qaban kiisa ma ahan wax hurmar ah iyadoo nabadii puntland fara kasii bixi…muxuu dhismo kuu tari hadii ciidenka uu awood u laheen in uu cadowga iska celsho,,,,,waa in waxaan laga baxaa oo ciidenka awoodiisa kur loo qaadaa,,,,madax wax matarto ee waa ciiden waxa nabada kuu keeno….cabdi wali waa khayaano qaran wuxuu ka fakeri kursigiisa..war nin kaan naga wada oo meesha keena shaqsi nabada puntland kor u qaado taas waa talo

    mohamud m ali. ku magac dheer,,,,libaax
    September 3, 2017 at 11:59 am
    Reply

  2. Anigu waxan Aminsanahay Arintu wa si lontahay si kale ma’ah Dr.gaas shekadu wa kawntahay waliged puntland waxa lagu hayey werar,Dr.gaas ma’oran puntland yan ladaficin asaguna ma’ah Askari furinta jooga,wadanka mamul aya ka jira masulin badan ayuu mamulku leyahay qofkastana xil qaran aya saran,tasi wa midas dhibatada & dagaladu wa mid cadi kanoqotay somaliya oo dhan puntland in kaliged aman noqoto somaaliya oo Qiiqaysa wax socon kara ma’ah in ladadalo wa muhim.

    mohamed sulub
    September 3, 2017 at 12:33 pm
    Reply

  3. Ciidanka Puntland oo Inqilaab militeri sameeya si ay xukunka ula wareegshan waa wadada qura Puntland ka badbaadin karta sicir barar, lacag faalo, argagaxiso, dagaal.

    Inqilaab Militeri 2017
    September 3, 2017 at 2:39 pm
    Reply

  4. Pintland waa qasab..faraha iyo fadqalada haka deyso..somaliland iyo galmudug..labada xuduud waa garoowe duledkiisa now..inta ku eekada waraa….hadii kale waa la idin tirtiraa…kkk

    Habiqleyso
    September 4, 2017 at 10:24 am
    Reply

  5. habiqayliso horta magac xumadaada ayey ka muuqataa dadnimo xumada kugu jirta adeer hawiye iyo isaaq iyaga oo helay hubkii dawladii siyaad bare ayaad wax ka qaadi waydeen ma maanta yaad wax ka qaadaysaan oo aad marba shaati u soo gashanayseen mar Ittixaad, Maxaakiim, Dawladii cabdi qaasim, tii shariif, tii xasan culusow , waxaa u dambeeyey Al Shabaab habarkuulay intaas oo jabhadoo ayaad isu soo ekayseeseen hadana waxba ka qaadi wayde ee iminka afka ayey idin kagaga hartay afna wax laguma qaadee is keen bal aan aragno waadiga lehe Garoowe dusheeda ayaan joognaaye bakh bakhle wale adiga oo kabaha afka ku sita ayaad arkin hurana waad ugu qaadeen.is garo cidaa tahay dadkii aanu raran jirnay ayaad tahay ilaahay ha u naxariisto siyaad bare isaga ayaa dad idin ka dhigay waad ogaydeen in aydaan katami jirin oo aah ahaydeen dhuuso dhuuso dhashay ma tuuga nimadii iyo xaaraantii ayaad is moodeen dad waar waa laydin yaqaan cidaa tiheen.

    ahmed
    September 8, 2017 at 5:37 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *