Dagaal (Dabin Shirqool) Puntland Ku Wajahan Oo Afar-Geesooda Iyo Warbixin Jifida Ay Kasoo Jeedaan 4-tii Nin Ee Ayagoo Geelooda La Jooga Lagu Dilay Deegaanka Gumburka Cagaarwayne

Filed under: Important News,Wararka |

dabin spieder net
Innaa Lilaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun.
Deegaanka Gumburka Cagaarwayne ee u dhaw Magaclay, waxaa iyagoo geelooda la jooga baas lagu furay 4 nin oo kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud.
4-ta nin ayaa kala ah jifiyaha Cumar Maxamuud
2 nin oo Maxamed Cumar/Cumarmaxamuud
1 Nin Reer Mahad /Cumarmaxamuud
1 nin Cabdiciise /Cumarmaxamuud

Waxaa loo malaynayaa nimanka dilka gaystay in ay ahaayeen kooxo lacago kasoo qaatay kooxaha siyaasadaysan ee taageera Cali Khaliif, waxaana la adeegsaday dhalinyaro beesha Cali Khaliif ee bahararsame ah oo reer aadan naaleeye ah oo ciise aadana ayaa dilka loo adeegsaday.
laba sano ka hor ayaa ciise naaleeye rag laga laayay, waana laga heshiiyay qulquladaas dagaal.

Laakiin bishaan waxaa soo cusboonaaday dagaal siyaasadeed afar geesooda oo Puntland kusocda, oo meel kasta oo fidna laga abuuri karo ayaa qori dab afka ku wata la surayaa.
Dhowrkii habbeen ee lasoo dhaafay waxaa la weerararay Jeexdin oo dad lagu laayay, waxaa la weerararay Balibusle habbeen hore, shalay galab waxaa la weerararay Af urur oo waxaa lagu laayay 10 qof, 35 ruuxna waa lagu dhaawacay.
Wiiggii hore waxaa la isku dayay in dagaal laga rido Buuhoodle.

Dhammaan waxaad mooddaa in ay xiriir hoose leeyihiin kooxaha dagaaladaan iyo fidnadaan abaabulaya, waxaanad mooddaa in ay waxaan hoosta ka wataan dad dano gaara leh oo fidnawadayaala, waana dagaallo dhammaantood Puntland ku wajahan.

4 Responses to Dagaal (Dabin Shirqool) Puntland Ku Wajahan Oo Afar-Geesooda Iyo Warbixin Jifida Ay Kasoo Jeedaan 4-tii Nin Ee Ayagoo Geelooda La Jooga Lagu Dilay Deegaanka Gumburka Cagaarwayne