Dagaal Ka Dhacay Buuhoodle

Filed under: Wararka |

buuhoodle

Magaalada buuhoodle ayaa waxaa ka dhacay dagaal si kama ah uga dhacay balse wararkii u danbeeyay ay sheegayaan kooxaha Cali Khaliif ay dagaalkii sii buunbuuniyeen oo siyaasadeeyeen.

-dagaalka ayaa sabab u ahaa nin gacan ku dhiigle ah oo fakaday, oo illaa Muqdisho u fakaday, balse markii danbe beesha uu ka dhashay gacanku dhiigluhu ay soo qabteen oo buuhoodle keeneen.

Iyadoo arrinkii gacan ku-dhiiglaha ay labada beelood ee dhibku kala gaaray ka wada hadlayaan oo ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa uu muddo 4 wiig ah ku xiranyahay magaalada ayaa waxaa dhacday in ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa uu fakaday oo tuulo buuhoodle u dhaw u fakaday.

Iyadoo xaal halkaas marayo ayaa wiil la dhashy ninkii la dilay inta soo dhuuntay ninkii gacanku dhiiglaha ahaa walaalki .

Waxaana wararkii u danbeeyay ay Sheegayaan in arrinkii uu Cali Khaliif ka faa-iidaystay oo lacag siiyay reerkii uu ka dhashay ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee walaalki la dialay’, oo Cali khaliif reer abti u ah.

Waxaana isa soo taraya in ay iyana xabad ku fureen dad aan la xaqiijin tiradooda iyo beelaha.

-Cali Khaliif ayaa doonaya in uu dagaalka ka dhigo mid u dhexeeya Reer Hagar iyo Cali Gari.

Beesha Cali Gari oo uu kasoo jeedo ninkii muqdisho laga soo qabtay ee la dilay ayaa Cali Khaliif reer Abti u ah, waxayna maanta  ay maraysaa Prof kii 70 jirka ahaa in siyaasaddiisu iyo aduunyo jacaylkiisu ay heerkaas marayso.

 

Wararka oo dhamaystiran dib nagala soco.

 

2 Responses to Dagaal Ka Dhacay Buuhoodle